Xakun lug iyo gacan goys ah oo maanta ay fulisay Maxkamadda Kooxda Alshabaab.

Posted on Jun 25 2009 - 12:06pm by News Desk
Tweet
Pin It

xukunBartamaha(Muqdisho):-Maxkamadda Kooxda Alshabaab ayaa maata si rasmi ah xukun gacan iyo lug-goysma ah ugu fulisay ilaa 4-dhalinyara soomaaliyeed ah kuwaasi oo dhawaan xukunkaasi lagu riday. 

Dhalinyaradan ayaa dhawaan la xukumay ka dib markii ay qirteen in dhac iyo baarashaba kula dhaqaaqeen dad ku suganaa Magaalada Muqdisho iyadoo ay sheegeen in ay dhaceen alaaba kala duwan.

Maanta ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu fuliyay xukunkaasi iyadoo ay soo buuxdhaafiyeen goobta uu ka dhacayay Xukunka gacan-goyska dadweyne fara badan kuwaasi oo daawanayay fulinta xukunkaasi.

Dhalinyarada gaaraysay 4-dhalinyarada burcadnimada qiratay ayaa waxaa laga gooyay Barqanimadii maanta mid kasta oo raggaasi ka mida Gacanta Midig iyo Lugta bidix taasi oo ay fuliyeen qaar ka mida sarakiisha Alshabaab.

Sheekh Cali Maxmed Xuseen oo ah wakiilka Alshabaab ee Gobolka Banaadir ayaa oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhammaan ragga Burcadnimada lagu soo qabto lagu fulin-doono xukunkaasi oo kale.

Sheekh Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in ay kooxdooda Alshabaab nafaqeyn doonaan ragga Maanta lagu fuliyay xukunka Tuuganimada ay Diinta Islaamka jideysay taasi oo uu sheegay in Allaah uu amarkaasi bixiyay iyaguna ay fulinayaan.

Waa markii ugu horaysay Ee Xukunkan Gacan iyo lugta isdhaafka lagu goynayo ay fuliso kooxda alshabaab iyadoo magaalada Muqdisho xukunkan oo kale ay ugu danbaysay 1996 xiligaasi oo uu hoggaan ka ahaa Mxakamada Magaalada Muqdisho ka furnayd Sheekh Cali Sheekh Maxmuud Sheekh (Cali dheere)

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â