Calendar

Xildhibaanno taageersan ra’iisulwasaare C/weli oo ka walwalsan amnigooda

Xildhibaan Cabdi Barre waxaa uu ka mid yahay xildhibaannada sida weyn mooshinka uga soo horjeeda.

Xildhibaan Cabdi Barre waxaa uu ka mid yahay xildhibaannada sida weyn mooshinka uga soo horjeeda.

Muqdisho (Bartamaha) Warar hoose oo laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in cabsi xooggan oo dhanka noloshoodaa ay soo wajahday xildhibaannada ka soo horjeeda mooshinka la sheegay in laga keenay ra’iisulwasaaraha.

Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo ka mid ah xildhibaannadii sida aadkaa uga soo horjeeday mooshinka oo la hadlay mid ka mida idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in hanjabaad iyo cago juglayn ay kala kulmayaan guddoonka sare ee baarlamaanka.

Mudanahan ayaa tilmaamay in ay soo gaarayaan hanjabaadyo kaga imaanayo guddoonka baarlamaanka, kuwaas oo uu la xiriirinayo horjoogsigii ay ku sameeyeen kulan xildhibaanada loogu soo gudbin lahaa mooshin ka dhan ah ra’iisulwasaare C/wali Sh. Axmed oo khilaaf uu kala dhaxeeyo m/weynaha.

” Waxaa na soo gaaraya hanjabaadyo iyo cago juglayn joogtaa, waxaan is leeyahay guddoonka hal dhag baa wax loogu sheegay, anaga sharci baynu ku taaganahay”, ayuu yiri xildhibaan Cabdi Barre.

Inkastoo xildhibaanku uu si guud uga hadlay cabsida soo wajahday xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ra’iisulwasaaraha hadana ma uusan magacaabin halka ay sida tooskaa uga imaanayso iyo qaabka ay ku soo gaartay.

Talaadadii todobaadkan ayay ahayd markii qaar ka mida xildhibaanada baaralamaanka Soomaaliya ay hor istaageen in guddoonka uu wakiilada u soo gudbiyo mooshin ka dhan ah wasiirka 1aad ee xukuumadda federaaligaa ee Soomaaliya, sidaasna lagu baajiyay kulanka.

Maalintii talaadada ayay ahayd markii xildhibaanada kulan buuq iyo sawaxan ku soo idlaaday ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isaguna saxaafadda ka hadlay ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay is dajiyaan ,islamarkaana ay la xisaabtami doonaan xildhibaanadii ka danbeeyay buuqa baarlamaanka.

Bartamaha Online

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: