Calendar

Xizbul Islaam Wala-Weyn oo qabatay nin horey u dilay Askari ka tirsan Xizbul Islaam

xizbul sialBartamaha(Wala-Weyn):-Ciidamada ammaanka Maamulka Xizbul Islaam Degmada Wala-Weyn ayaa xabsiga dhigay nin hore u dilay Askari ka mida maamulkaasi Xizbul Islaam.

Ciidamada Xizbul Islaam ayaa waxa ay qabteen nin horey u dilay askari ka mida maamulka Xizbul Islaam xilli ay socdeen howlgal lagu doonayay qaboojinta dagaal beeleed ka dhacayay Sh.Hoose.

Xuseen Buule oo ah ninka lagu Eedeeyay gacan ku dhiiglanimada ayaa waxaa la sheegay in uu in mudda ah ka dhuumaalaysanayay Ciidamadsa Xizbul Islaam kuwaasi oo shalay si gaadma ah u qabtay ninkaasi.

Sargaal u hadlay Maamulka Xizbul Islaam oo lagu magacaabo Sheekh Muqtaar Max’ed Nuur ayaa sheegay in Ciidamadooda ay heleen ninka gacan ku dhiiglaha ah oo 3-bil ka hor askari Xizbul Islaam ka tirsan dilay.

Sargaalkaasi ayaa balan qaaday in ninkaasi shareecada Islaamka la waafajin doono xukuna lagu ridi doono maadaama uu yahay gacan ku dhiigle dad badan ay u jeedeen xiliga dilka uu geysanayay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: