Calendar

Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir oo digniin u jeediyay Gudoomiayasha Degmooyinka Gobolka.

Injineer_NuuneBartamaha(Muqdisho):-Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir ayaa digniin u jeediyay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyagoo ku goodiyay in xilka laga qaadayo masuulkii ammaanka sugi waaya.

Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir oo la hadlayay Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in looga baahanyahay xil gudasho muuqata.

Ing.C/risaaq Nuune gudoomiyaha Cusub Ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxa uu sheegay in xilka laga qaadayo gudoomiyihii Degmadiisa ammaankeeda sugi waaya ee laga soo gudbiyo cabasho dhanka ammaanka.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in daacadnimo loo dhisay Maamulka cusub islamarkaana ay waajib tahay in wax laga badalo ammaanka guud Ee Gobolka Banaadir iskaashina lala sameeyo Ciidamada ammaanka.

Hadalka iyo hanjabaada gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir u jeediyay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka ayaa waxa uu imaanyaa xilli Maamulkiisa uu ka taliyo wax ka yar 6-Degmo iyadoo ay gacanta Dowlada ka maqanyihiin 10-Degmo oo Gobolka Banaadir uu ka koobanyahay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: