Calendar

Xukuumada Cusub oo la kulantey xukuumadii hore

Xukuumadda cusub ee dhawaan ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya ayaa la kulantey xukuumadii hore ee xilka sii haysey.

Kulanka oo ahaa mid irdaha u xeran ayaa waxa uu ka dhacay xafiiska Ra’isal wasaaraha iyadoona uu shir gudoominayay Ra’isal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”.

Kulanka kadib, shir jaraa’id ay wada qabteen wasiirka warfaafinta ee xukuumada cusub C/llaahi Ciil Mooge iyo wasiirkii hore C/qaadir Xuseen Maxamed “Jahweyn” oo ka hadlay ujeedada shirka ay ku yeesheen Mogadishu.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Cabdi Qaadir Jahweeyn ayaa sheegay iney isbarteen labada dhinac isla markaane ay is dhaafsadeen arag warbixino, gaar ahaan kuwo laga dhageyssanayay wasiiradii hore ee xukuumadii Cabdi Wali Gaas.

Dhinaciisane, ninka hada lagu badaley Jaahweyn oo la yiraahdo Cabdullahi Mooge waxa uu sheegay iney aad ugu mahadceliyeen sida ay xukuumadii hore ay dalka usoo gaarsiisay iney ka baxdo KMG-ka isla markaane ugu guuleysatey iney shirweyne ku qabatey Mogadishu.

Mooga waxa uu sheegay in wasiiradii hore laga codsaday in xukuumada cusub la shaqeyaan maadama ay howlo adag ay hor yaalaan oo tahay iney wax ka qabtaan.

 

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: