Calendar

Xusbi Cusub oo ku soo biiray Xusbiyada Somaliland (SRP)

aarMinneapolis: Shir ay maanta isugu yimaadeen taageerayaasha iyo qaar ka tirsan jaaliyadda reer somaliland ee ku nool magaaloyinka mataanaha ee minneapolis iyo st paul ee gobolka minnesota oo lagu qabtay hotel sharoton ayaa waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha xisbigga isbdel doonka ah ee loo yaqaan (SRP)
Somaliland reform party Mudane Abdiaar Abdi iyo marti sharaf kale.markii shirkii bilowday ayaa waxaa makarafoonka lagu soo dhoweeyey guddoomiyaha xisbigga SRP oo dhowaan socdaal kaga soo laabtey dalalka carabta iyo yurub waxaana uu halkaasi lagaga dhagaystey warbixino xasaasi oo ay ka mid tahay waxyaabaha ka socda somaliland iyo doorashooyinka halka marayaan iyo waliba shirarka ka  socda gobolka sool iyo issimadda la sheegayo in ay ku shirayaan.
 
Waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in waqtiggan ay tahay lagama maarmaan in ay doorashooyinku dhacaan xilliggii lagu balamay
raalina aanay ka noqonayn in dib loo dhigo waxaa waajib ku ah in dowladdu ay qabato ballantii ay gashay xisbiyadduna ay dhowraan nabad gelyadda.
 
Dhinaca nabad gelyadda waa wax ilaahay loogu mahad naqo nabad gelyadda aynu haysano oo ah mid ka duwan tan ay haystaan afrikadda bari. dadkayagu waxay ku naaloonayaan nabad iyo caano waana ilaahay mahaddii.
 
Dhinaca Arimaha dibadda waxaa uu yiri dowladda ina riyaale way ku fashilanantay arimaha dibadda iyo Ictiraafkaba balse waxaan filayaa in inagga ilaahay ina aqoonsan yahay inagu aanu ilaahay aynu aqoosanahay. dalalka ayn aynu wax ka raadinaynaa iyagaa ayaa inoo baahan haddii aynu inagu waxqabsano waana xaqiiqa taasi wax weyn naguma hayso haddii aynu wadadan ku socono
waxaa iman doonta aqoonsi adiga lagaa baryayo laakiin xukuumadani way fashilantey.
 
Dhinaca sool iyo Issimadda haddii aan ka hadlo gobolkani waa waa gobol taariikhiya waa gobol ka tirsan dalkan somaliland oo waliba ku yaal xuduudda dhinaca koonfur Bari ee dalka oo waliba dad aan jecleyn horumarka somaliland ay deris la yihiin gobolkani waa gobol ay dowladdu ka seexatay oo u baahan in dadaal badan la galiyo oo waliba sidda umusha isha lagu hayo, laakiin meedey dowladdii hanan lahayd ee howshaa culus qabam lahayd. su’aashaa idinka ayaan idii daynayaa..
 
Dhinaca Isimadda waxaan leeyahay haddii aad shiraysaan ku shira dalka gudihiisa oo iska daay marba xadka aad u cararaysaan
waxaa tihiin cuqaal issimo iyo garaado waxyeelo haddii aad ka shaqaynaysaan ilaah baa idin araka haddii aad wax tabeysaan kaalaya laascaanood iyo burco hargaysa waa dhulkiinii la idin kama xiggo. waxaanse idin xasuusinayaa in ay dhamaatey waqtiggii khiyaaligga ahaa………..
 
Mar la weydiiyey Mar haddii aan la aqoonsanayn xisbigga SRP oo dalka loo ogol yahay saddex xisbi oo kaliya idinku yaad isu dhowdihiin ama aad isku aragti tihiin.
waxaa uu guddoomiyuhu ku jawaabay waxaanu isku aragti nahay
Ninkii jecel somaliland ninkii jecel waanagga ninkii jecel horumarka dalka. gaar waxaan jecelhay somaliland in ay xilligan taladda qabtaan dhalinyaro iyo isugu jira haween iyo aqoonyahanba/////
laakiin su;aasha waxaan ka jawaabayaa marka doorashadda la Iclaamiyo.
 

 
 
wariye Madaxbanaan
Maxamed cabdi
minneapolis. Minnesota
612-232-2433

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: