Calendar

Yamen oo Xabsi ku xukuntay dhalinyaro Soomaali ah

yemen9Bartamaha (Cadan):- Dowlada Yamen ayaa Xukun ku riday dhowr dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku eedeysan fal Burcad badeednimo ah.

Maxkamad ku taala magaalada Cadan ee dalka Yamen ayaa waxa ay Xukuntay 13-dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo dhawaanahan Maxkamada saarnayd kuna eedeysnayd fal afduub markab iyo doomo kaluumaysi yamen leedahay.

Dhalinyaradan ayaa waxa ay muddo sugayeen Xukunkan waxaana ay xernaayeen mudo sanad ku dhow iyada hada uun xukunkan uu ku dhacay waxaana mid walba lagu xukumay 12-Sano oo xarig ah.

Dhalinyaradan 13-qof ah ayaa waxa ay hada mutaysteen xarigaasi Xabsiga 12-ka sana ah waxaana mudadaasi ka dib la filayaa in lagu celiyo dalkii ay ka soo jeedeen ee soomaaliya maamaada fal burcad badeednimo lagu soo oogay oo ah kiis aad u culus.

Xukunkan ayaa waxaa loo cuskaday in Burcad badeedan ay ahaayeen kuwa naafeeyay maaliyada dalkaasi maadaama ay dhowr jer qafaasheen maraakiib Yamen leedahay iyo doomaha Kaluumaysiga oo Burcada soomaaliga lagu eedeeyay in ay dhacaan.

Xukunkan ayaa waxa uu imaanayaa xilli dhawaan Yamen ay xukun dil ah ku xukuntay wiil soomaali ah oo lagu soo oogay dacwad ku aadan in uu ka ganacsanayay Mukhaadaraad dalkaasi mamnuuc ka ahaa.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: