Calendar

23 jir 232 Malyan ku guulaystay

Pierre, S.D. — Nin xoolo dhaqato ah oo xagga dhaqaalaha aad uga liitay ayaa waxaa uu noqday nin nasiibkiisu uu usoo xero galiyay lacag aad u fara badan.

Neal Wanless, oo ah 23 jir degan gobolka South Dakota ee dalkaas Maraykanka ayaa ku guuleystay lacagta bakhtiyaa-nasiibka (Lottery) lacagtaasoo gaaraysa $232 Malyan, kadib markii uu iibsaday tikidhkii guusha loogu helayay bakhtiyaa nasiibkaas.

Wanless, oo ku noolaa nolol aad u hooseysa ayaa la deganaa hooyadiis oo ku noolayd xero 320-acre ku fadhida, halkaas oo ay ku dhaqanayeen ido iyo fardo. Reerkiisu malahan taleefoonka guriga kan gacantana dib ayaa looga qaatay.

Wanless wuxuu gatay tikidh qiimihiisu yahay $15 taariikhdu markay ahayd 27-kii May wuxuuna ka gatay dukaan uu xoolihiisa alaabo uga gadayay, haddii uu ogolaado inuu lacagta hal mar lawada siiyo waxaa halkaas uga soo baxaysa lacag gaaraysa 88.5 Malyan.

Bartamaha Wararka Adduunka – www.Bartamaha.com

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: