Calendar

Soomaaliya oo heshiis baarista shidaalka la saxiixatay shirkad Ingriis ah + Sawiro

Somalia_Heshiis_Britain_7Wasaaradda khayraadka dalka Somalia ayaa shaacisay maanta inay heshiis la gashay sharikadda fadhigeedu yahay dalka Britain ee baarta shidaalka, taasoo lagu magacaabo Soma Oil and Gas Exploration LTD, www.somaoilandgas.com.

Heshiiska waxaa uu u ogalaanayaa sharikaddan inay ka baarto Soomaaliya shidaalka, keentana macluumaad ku saabsan shidaalka ku jira Soomaaliya, si ay qayb uga qaadato hormarka la doonayo in laga gaaro dhinaca tamarta.

“Qorshahan waa mid la doonayo in lagu kobciyo dhaqaalaha dalka sidoo kalena lagu soo saaro khayraadka dalka, wuxuuna sidoo kale heshiiskan sare u qaadayaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain,” ayuu wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu la qabtay madaxa shirkaddaas.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in heshiiskan uu xoojinayo dhaqaalaha dalka, isagoo xusay inay qayb ka yihiin heshiisyo lagu soo celinayo howlihii tamarta Soomaaliya.  Madaxa shirkadda Som Oil oo isaguna hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in heshiiskan uu la saxiixdo dowladda Soomaaliya, sidoo kalena uu yahya mid xoojinaya xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Britain.

Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dowladda Soomaaliya ay la gasho shirkad laga leeyahay dalka Britain oo sahmisa shidaalka, iyadoo ay horay madaxda dowladdu horay u sheegeen inay ka shaqeynayaan loo soo saari lahaa khayraadka dalka.

Dawlada Britain ayaa sanadihii ugu dambeeyay xoojisay xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, taasoo ay dad badani ku tilmaameen inuu yahay mid ku salaysan masaalix xagga tamarta ah.

Sawirada Heshiiska:

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: