Calendar

Puntland oo xiriirkii u goysay dawlada dhexe ee Soomaaliya

faroole3Puntland ayaa ku shaacisay inay si rasmi ah u goysay xiriirkii ay la lahayd dowaldda federaalka Soomaaliya, kaddib markii dowladda Somalia ay ku eedeeysay inay ka shaqeynayso is-qabqasbi siyaasadeed.

Warsaxaafaded ay soo saartay Puntland ayaa lagu sheegay in tan iyo markii la dhisay Puntland 1998-kii ay wadashaqeyn wanaagsan kala dhexeysay dowladihii soo maray dalka, ayna qayb weyn ka qaadatay dhismaha dowladda federaalka ah ee hadda jirta, iyo sidii nabadda lagu gaarsiin lahaa dhammaan deegaannada ay colaaduhu ka jireen, balse dawlada hadda jirta ay kasoo bixi wayday hawlihii looga fadhiyay.

Dowladda federaalka ah ee cusub waxaa laga filayay nidaam ku dhisan hab federaal ah oo xisbiyada badan ku dhisan. Haseyeeshee tan iyo September 2012-kii markii la dhisay waxay dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qab-yaalad iyo kala fogaansho, is-qabqabsi  siyaadeed iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xad-gudubyo dhinac kasta ah ku sameysay dastuurka federaalka  ah ee Soomaaliya oo kan rasmiga ah ay saxiixayaashi Roadmap-ka iyo wakiilkii Qaramada Midoobay ku  saxiixeen Nairobi June 22, 2012.

War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada  Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday dastuurka federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd (Inuu soo dhaweeyay hormarkii laga gaaray Road-map-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid  tahay heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Sidoo kale, Puntland waxay warkeeda ku sheegtay in iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka ay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ee ay la lahayd dowladda federaalka; waxayna Puntland soo dhawaysay baa lagu yiri rai’sul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo safar ku tagay Garoowe (March 9-11, 2013) iyo safarkii madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud uu isna ku tagay Garowe (April 28-29, 2013).

Ugu dambayntiina Puntland waxaa ay sheegtay in go’aan ay ku gaartay inay laasho xiriirka ay la leedahay dawlada dhexe ee magaalada Muqdisho fadhigeedu yahay.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: