Calendar

Afhayeenka Kooxda Alshabaab oo shaaca ka qaaday in ay guula ka gaareen dagaaladii Muqdisho iyo Wabxo ay kula galeen Ciidamada Dowlada.

sheekh-cali1Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) oo ah Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in ay ku guuleesteen dagaaladii ay Muqdisho kula galeen Ciidanada Dowlada Iyo kuwa Amisom Isagoo sheegay in ay kooxdooda ka danbeeyeen qarax saaka lala beegsaday Ciidamada Amisom.

Sheekh Cali Dheere afhyeenka Kooxda Alshabaab ayaa shirjaraa’id uu qabtay kaga hadlay xaalada dagaalada ka socda qeyba kamida dalka soomaaliya isaga oo sheegay in dagaaladii saaka ka dhacay deegaanka Wabxo ay dhankooda guula ka gaareen.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ay Xarakadooda ay guula la tilmaami karo ay ka gaareen taasi oo uu sheegay in laga dareemi karo magaalada Muqdisho awoodda balaaran oo ay ku yeesheen raga Mujaahidiinta uu ku tilmaamay.

Wadaadka afhayeenka ah ayaa sheegay in dhammaan deegaanka Wabxo ay gacanta u gashay kooxdooda Alshabaab waxa uuna tilmaamay in ay ku soo duuleen kuwa u gargaara ciidamada Itoobiya oo wakiil uga ahaa Gobolada Dhexe ee soomaaliya .

Dhanka kale Afhayeenka Xarakada Alshabaab aya a sheegtay in Alshabaab qeybtooda Qaraxyada ay saaka Miina la beegsadeen Ciidamada Amisom kuwaasi oo uu sheegay in ay khasaara ka soo gaartay qaraxii lala eegtay Ciidamadaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay gabi ahaanba dalka ka saari doonaan Ciidamada uu sheegay in dalka ay ku soo duuleen Ee Amisom kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ku cadaabi doonaan gacanta Mujaahidiinta Sida sheekhaasi Alshaabaab u hadla uu sheegay.

Hadalkan ka soo baxay Afahyeenka Kooxda Alshabaab Sheekh Cali Dheere ayaa hadalkiisa waxa uu imaanayaa xilli kooxdaasi uu dagaal uga furanyahay Goobo badan oo ay ka arimiyaan ee gobolada dhexe iyo gobolkan Banaadir.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« Previous Post »

Comment: