Calendar

Ahlu sunnah oo gubtay gaari sahay u siday Shabaab.

1210Bartamaha (Muqdisho):-Kooxda Ahlu sunnah Wal Jamaaca ayaa shaaca ka qaaday in ay gubeen gaari sahay u siday Alshabaab.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Culumaa’udiinka Ahlu Sunna ee degmada Guriceel Cali Baashi oo saxaafada saaka la hadlayay ayaa daaha ka qaaday in ay gubeen gaari nuuca sahayda qaada ah kaasi oo ay lahaayeen Alshabaab.

Masuulkan ayaa saxaafada u sheegay in ay wdada u galeen gaari ka soo baxay Degmada Ceel Buur kaasi oo sahay ciidan u siday Alshabaab balse ay ahlu sunnah ku gubeen wadada u dhexeysa Ceel Buur iyo duleedka Gri ceel.

Sargaalkan ayaa waxa uu sheegay in guutada qaraxyada Ee Ahlu sunnah wal jamaaca ay gubeen gaariga shabaabka lahaayeen xilli uu marayay tuulo ka mida Degmada Guri Ceel oo dhawaanahan uu dagaal ka dhacayay.

“Waan gubnay gaarigii oo waxaan arkaynay qiic iyo qaraxyo ka dhex dhacaya gaariga markii qaraxa aynu la beegsanay ….haa way ku qasaareen shabaabka gaariga iyo hantidii iyo dadkii ka saarnaa…..” ayuu yiri Masuulkan ahlu sunnah u hadlay.

Ahlu sunnah ayaa muddo dhowr maalmood ah dagaal u muuqanayay iska caabin waxa ay la gashay Alshabaab oo duulaan ku soo ahayd dhul badan oo ay maamusho Kooxda Ahlu sunnah.

Xaalada dhulkii dagaalka uu ka dhacayay ee Gobolka Galgaduud ayaa dagan mana jiro wax ar ah oo shabaabka laga haayo oo ku aadan qaraxa lala beegsaday gaariga sahayda iyo saanada ciidan u siday.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: