Calendar

WARAYSI: Safiir Cali Ameeriko oo su’aala Xasaasi ah uga jawaabay Bartamaha (Video).

ali americoBartamaha (Nairobi):- Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya ayaa waraysi dheer siiyay Warbaahinta www.Bartamaha.Com xilli uu ku sugnaa Xafiiskiisa Magaalada Nairobi.

Cali Maxamed Nuur “Cali Ameeriko” oo waraysi siinayay Bartamaha Media Nairobi ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin:-

Safaarada Soomaalida iyo dhismihii laga Iibsaday.

Halkii Dacwada ka dhex socotay Safaarada iyo Ganacsade Hindi ah ay ku danbaysay.

Baasaboorka Soomaaliga iyo qaabka uu uga shaqeeyo Kenya.

Muqalasiinta iyo Soomaalida soo galootiga ah.

Dhibaatada haysata Qaxootiga Soomaalida ee Kenya iyo baaq uu jeedinayo.

Ammaanka Xaafada Soomaalida ka dagto Nairobi iyo dhibaatada ku dhacda ganacsatada.

Isagoo dhammaan qodobadaasi uga hadlay qaab xasaasi oo uu ku salaynayo Siyaasada u dagsan dowlada KMG ah Ee Soomaaliya iyo xiriirka wanagsan ee kala dhexeeya wadanka Kenya.

Waraysiga ayaa waxaa Bartamaha Media u qaaday Wariye C/risaaq Yuusuf Kampala.
Daawo:

Daawasho  iyo Dhagaysi Wacan:-

Comments

comments

Category : KENYA, VIDEOS, Wararka Maanta, Waraysi [ INTERVIEWS ].
« »

Comment: