Allahayoow Maxaan Geystay!

Posted on Oct 13 2010 - 8:43am by News Desk
Tweet
Pin It

Axmed-Maxamed-Maxamuud-(yare) pictureBarmaamijkii Murtisoor: Bulxan & Gurxan.

W/D. Axmed-Assad.

Bulxan & Gurxan sidaad la socoteenba doodahoodii hore, waxaynu ku soo aragnay inay yihiin laba nin oo aalaaba aragtiyo kala gedisan leh. Haseyeeshee, marmar iyo dhif naadir ah ayay wax isku raacaan; sida maansadii “Qaad Bi’iye”

Haddaba, maanta sidii hore looga bartay iyagu suugaan dareenkooda ku cabiri-maayaan. Waxay dhagaha u raaricinayaan qiso naxdin iyo uurku taalo reebtay, oo dhex martay Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Yare) oo ahaa wiilkii yaraa ee xabadu afka kaga dhacday dagaalladii Muqdisho, iyo hooyadii oo uu Axmed-Yare ‘madi’ ku ahaa!  Badiyaaba waxaynu arki jiray, markay is mari waayaan Bulxan iyo Gurxan in adeerkood Samatar dhexdhexaadin jiray.  Laakiin, manta xaalku sidaas ma’aha, oo tiiraanyo iyo calwasaad daraadood ayay ilmadu isku mar ka soo hoobatay!  Eraygii Samatar ee Murtisoor lagu soo khatimi jirayna wuxuu ku soo afmeermay “Afkiibaa Juuqda Gabay”!

Allahayoow maxaan gestay

Oon galabsadoon eeday

Rabiyoow maxaan gallay

Toban sano ma gaadhine

Goormaan gabood falay?

Gallab bay ahayd goortu

Gurigaygii way muuqday

Gumac laygu soo tuuray

Afkaygoo dhan kalla gooye

Allahayoow maxaan geystay?

Waayeel  ma guul-guulin

Umul gawrac kuma jiidin

Agoon gudimo kuma laynin

Goddobtaan gallee baasi

Een hore u soo gaystay

Gefka layga goynaayo!

Een gallabsadeen eeday

Hooyo galacaloy may sheegi!

*****

Gacalloow Axmedoow hooyo

Guulleed samoow hooyo

Gabankaan dhalloow hooyo

Guullahay dadkuu uumay

Inta dunnida guud saaran

Adaan wiil gardaadsiiyay

Iyo labba gabdhood hooyo!

Gacaloow Axmedoow Hooyo

Goonyaha aduunkoo dhan

Gidigood  khalqiga uuman

Addaa  hooyo gaar ii ah!

Gunta beerka hoostiisa

Qalbigiyo  gadaankiisa

Gacaloow  wadnaha hoose

Yay gogol xarriir wayni

Maandhe  gurada kuu taale

Adna  gacaloow ii aamus!

Guulleed samoow Hooyo

Wali maadan qaan gaadhin

Gaashaana maad qaadin

Dambi godob leh maad gaysan

Gurbood baad ahayd fiican

Gefna maad samayn hooyo!

Gulleed samoow hooyo

Galabtii doraad hooyo

Dugsi  quraan gadaashiisa

Adoo gacallow soo dhaafay

Yaasiinka gobol meershay

Ayaa garab wax laga tuuro

Oo gumuc rasaaseed ah

Illaah goor xun kugu beegay

Dambi  kalle ma’aad geysan!

Guulleed Samoow Hooyo

Illaah ima gablamin doono

Inshaa Allaahu goortaane

Mar hadii  garaadkeedu

Soomaali garan waayay

Gabaxdiyo ilmadan daadan

Gumaadkiyo xasuuq jooji

Waynu ka guuri doonaaye

Hooyo gacaloow ii aamus!

Nasiib daro, Axmed-Yare wuxuu u geeriyooday dhaawacii isagoo qalliin lagu samaynaayo. Axmed hooyadii waxay qaxoonti ku tahay Ceellasha Muqdisho. Caawimada waxaa loogu hagaajin karaa Caabiyo Ciise (612)298-1044, Minneapolis, MN

W/C. Axmed-Assad

[email protected].

Qormooyinka iyo Maansooyinka Axmed-Assad kala soco facebook

asad pic