read more »">

Calendar

Alshabaab oo Universal ka goosatay Xiriirka kuna sheegtay in ay Ridoobeen.

sheekh_caliBartamaha(Muqdisho):-Afhayeenka Alshabaab oo maanta shirjaraa’id qabtay ayaa si gaar ah uga hadlay Universal TV oo ay shabaab u aqoonsadeen mid aflagaadeeyay Nabigeena Muxamed(NNHK).

Sheekh Cali dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in Universal TV ay Ridoobeen sidaa darteedna ay alshabaab go’aansadeen in ay ka goostaan xiriirka.

Cali dheere oo saxaafada la soo xiriiray isagoo ka hadlaya TV-ga Universal oo ay eedeyn u jeedinayeen ayaa waxa uu sheegay in TV-ga uu noqday mid ka qeybqaatay faafinta aflagaaadada Nabigeena Muxamed.

Afhayeenka ayaa sheegay in TV-ga Xalay uu baahiyay warar liddi ku ah shareecada Islaamka iyo sharafta diinta sida uu warkiisa u dhigay markii TV-ga uu baahiyay war ka hadlayay soomaalida Dalka K/Afrika oo ka walaacsan qoraalo iyo sawir gacmeedyo laga sameeyay Nabigeena Muxamed (NNKH) iyadoo TV-ga Universal  uu soo qaatay sawirada Nabigeena laga sameeyay.

Alshabaab ayaa laanta dhanka Warfafainta u qaabilsan waxa ay shaaca ka qaaday in aanay wax xiriir ah la sii yeelan doonin  Universal TV oo ah Telfishin laga leeyahay Soomaaliya.

 

Xafiiska www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

 

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: