AMISOM oo Baro Cusub ka Sameysatay Muqdisho

Posted on Sep 6 2010 - 2:31pm by News Desk
Tweet
Pin It
amisomDagaalka ay kooxda al-Shabaab ku dhawaaqday ee ka dhanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM waxa uu galay maalintiisii 15aad.


Duulaankaasi waxay al-Shabaab ugu macacdartay Dhammaadka kuwii Xadgudbay, hase yeeshee ma jirto guul la taaban karo oo dhinac kasta uu dagaalka ka gaaray, aan ka ahayn Ciidamada dowladda iyo xoogagga AMISOM oo la sheegay inay xajisteen difaacoodii hore.

Sarkaal u hadlay midowga Afrika waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay Muqdisho ka sameysteen 9 barood oo cusub, kuwaasoo uu sheegay inay suuragal ka dhigeen in weli ay gacanta dowladda ku sii jirto waddada muhiimka ah ee Makka al-Mukarrama, taasoo isku xirta madaxtooyada  iyo airaboorka.

Haddaba fariisimahaasi cusub ee ciidamada AMISOM ay ka sameysatay magaalada Muqdisho xilligan dagaaladu ay ka socdaan maxay u soo kordhinayaan waa maxayse sababaha ka dambeeya.

Korneyl Khaliif Maxamed Faarax waxa uu ka tirsnaan jiray saraakiishii hore ee xoogga dalka Soomaaliya, waayo aragna ku ah xeeladaha dagaalka ayaa sheegay inay qeyb ka tahay xeelaha military ee dhanka isdifaacidda.

___

VOA Somali