Calendar

Diyaarad Milatari oo hub iyo Saanad u keentay Amisom.

militari airBartamaha (Muqdisho):- Diyaarad Hub iyo Saanad Ciidan waday ayaa duhurnimadii maanta ka soo dagtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ee Muqdisho.

Warar lagu kalsoonyahay oo aynu ka helnay gudaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka Amisom maanta ay soo gaartay saanad Ciidan oo ay keentay diyaarad dagaal oo aan la aqoon dalka laga leeyahay.

Diyaarad nuuca Militariga ah ayaa duhurnimadii maanta lagu arkayay garoonka Diyaaradaha Muqdisho taasi oo laga dad gureynayay Hub iyo Saanad Ciidan oo aad u fara badan oo ay diyaaradaasi keentay.

Diyaaradan ayaa inta ay garoonka ku sugnayd waxaa amniga hareeraha garoonka aad u sugayay Ciidanka Amisom oo wadooyinka garoonka ku dhow xeray waxaana muddo yar ka dib bilowday Madaafiic Hoobiyayaal ah.

Madaafiicda ayaa ku dhacayay garoonka iyo hareerihiisa waxaana muddo ka dib si daganaan ah garoonka uga duushay diyaaradii Militari ee keentay Hubka iyo Saanada sida ay cadeeyeen shaqaalaha garoonka.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Amisom ee ku aadan soo gaarida Hubka iyo Saanada Ciidan ee maanta ay keentay diyuurada Militari oo aan la garanayn dalka laga leeyahay Diyaaradaasi.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: