Calendar

Askar Dowlada ka tirsan oo shil ku gashay Muqdisho.

SOMALIABartamaha (Muqdisho):- Gaari ay saarnaayeen Ciidanka Dowlada ayaa maanta shil qasaara sababay ku galay gudaha Magaalada Muqdisho.

Gaariga shilka galay oo ay la socdeen ku dhawaad 15-askari oo ciidanka Dowlada ah ayaa la xaqiijiyay in uu ku rogmaday wada burbursan oo ku taalay albaabka hore Ee Villa Baydhabo.

Shilka gaarigaasi qabsaday ayaa sabab ka dhigay dhimashada 2-Askari iyo dhaawaca ku dhawaad 6-kale oo dhammaan ah Ciidankii gaarigaasi la socday oo shilka ku galay albaabka xarunta ay daganyihiin Militariga Ee Villa Baydhabo.

Askarta waxyeelada soo gaartay ayaa loola cararay isbitaalka Madiina Ee Magaalada Muqdisho halka qaar aad u dhaawacnaa  loola cararay isbitaalka Ciidanka Ugandha ee gudaha Xarunta Xalane.

Shilalka inta badan Ciidanka qabsada ayaa waxa ay yimaadaan xilli ay ka cararayaan dhulka miinooyinka loo galiyo oo ay dhibaata badan ku qabaan waxqtiyada aanay xawaaraha ku socon oo la qarxiyo.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« Next Post »

Comment: