Calendar

Dilkii Labada Haweenka ahaa oo la Cambaareeyay.

balad-weyne2Bartamaha (B/Weyne):-Waxaa soo baxanaya Cambaarayn ku wajahan Alshabaab ka dib markii ay dileen Laba Haween ah oo ay ku Eedeeyeen Jaasuusnimo.

Maamulka Dooxada Shabeele ayaa Cambaarayn culus u jeediyay Alshabaab oo shalay dishay Laba Haween ah oo ay ku Eedeysay in ay ahaayeen Sirdoonka Dowlada iyo Ciidanka Ethiopia.

Maxamed Nuur Dabaashe oo maanta saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu daaha ka qaaday in aanay ka warqabin Haweenkaasi waxa ay ahaayeen balse Waxa ay Cambaareeyeen dilkaasi foosha xun.

Dabashe afhayeenka Dooxada Shabeele waxa uu ugu baaqay shabaab in ay isaga baxaan Hiiraan maadaama ay u soo jeesteen in ay laayaan dhalaanta iyo Haweenka reer Hiiraan.

Dilkii shalay loo gaystay Labada Haweenka ah ayaa waxa uu noqday xukunkii ugu yaabka lahaaee ka dhacay Magaalada Baladweyne maadaama aan horay loo dilil Haween Sirdoonimo looga shakiyay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: