Calendar

Axmed Diiriye oo Al-Shabaab ugu Baaqay inay isu Dhiibaan DKMG.

Axmed Diiriye

Axmed Diiriye

(Muqdisho-Soomaaliya);-Afhayeenka odayaasha dhaqanka ee beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa maanta ugu baaqay ururka Al-Shabaab inay DKMG isu soo dhiibaan si loo badbaadiyo nolosha hogaamiyaasha Soomaalida ee Shabaabka.

Anigu way ii muuqataa in Shabaab laga adkaaday marka waxaan ugu baaqayaa inay isa soo dhiibaan oo ay odayaasha dhaqanka isu soo dhiibaan si loo badbaadiyo noloshooda hubkana ay iska dhigaan” ayuu yiri Axmed Diiriye.

Wuxuu intaa ku daray in ragga ajaaniibta ah ee ka tirsan Shabaabka ay dalka isaga baxaan halka kuwa Soomaalida ahna uu sheegay inay u tagaan odayaasha ku sugan deegaanka Ceelasha biyaha.
“Shabaab wax badan baan niri war nabad qaata oo dagaalka joojiya wayna naga diideen waxay yiraahdeen dagaal baan wax ku qabsaneynaa hadee hadana waa la arkaa halka ay ku dambeeyeen” ayuu yiri nabadoonka.

Wuxuu intaa ku daray Axmed Diiriye in rag badan oo ka mid ahaa saraakiishii Shabaab ee isagu uu garan jirey ay dhinteen badankood waxna dalka isaga tageen isagoo dhalinyarada yar yar ee hadda ku jirta Shabaabkana ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan oo nolol raadsadaan.
Dhanka kale Axmed Diiriye ayaa wax aan ka soo qaad lahayn ku tilmaamay hadal dhowaan ka soo baxay saraakiisha Shabaab oo ay baaq ugu jeediyeen beelaha Soomaaliyeed inay dagaalka kala qeybgalaan.

Hadalka Nabadoon Axmed Diiriye ayaa ku soo beegmaya iyadoo dagaalo xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho bilihii u dambeeyey ay guulo ka gaartay DKMG kuwaasoo Shabaabka degaano fara badan looga qabsaday.

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: