Calendar

Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya oo guul lataaban karo gaaray (Sii Akhriso)

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inuu si buuxda usoo celshado mudo 44 sano ah kadib xubinnimada Midowga Baarlamaannada Caalamka inter Parliamentary Union IPU oo ay ku mideysanyihiin Baarlamaannada 165 dal oo Caalamka ah .

Xildhibaan Dr Khaalid Cumar Cali oo ku sugan Magaalada Genève ee caasimadda dalka Switzerland ayaa mar uu ka qeyb-galaaye shirka IPU waxa uu yiri: “Dadaallo farabada kadib oo uu sameeyey Gudoonka Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya oo soo bilowday tan iyo bishii September ee sanadkii hore waxaan ku guuleysanay inaan si buuxda usoo ceshano ka mid ahaanshaha xubinnimada Midowga Baarlammaannada Caalamka oo Soomaaliya ugu dambeysay sanadka markuu ahaa 1969kii,waana guul aad u weyn oo Baarlamaanka Dowladda Fidraalka Soomaaliya uu gaaray”

Madaxweynaha Midowga Baarlammaannada Caalamka Inter Parliamentary Union IPU Ninka lagu magacaabo Abdelwahad Radi ayaa asagana waxa uu sheegay in ay kusoo dhaweenayaa Baarlamaanka Soomaaliya kamid noqoshada IPU waxa uuna yiri: “waxa ay aheyd xiriir hore oo taariikh leh markii Soomaaliya ay IPU ka tirsaneyd hadana waxaan kusoo dhaween doonnaa gacmo furan waxaana ka taageeri doonnaa hormarinta hay’addaha Dowliga ah iyo iney kusii talaabsadaan hormarro kale oo dhanka dimuqraadiyada ah”

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isaguna yiri “waa qeyb ka mid ah guullaha dhanka hormarka ah ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kalena waa guul usoo hooyatay dowladda Soomaaliya iyo guud ahaan shacbigeeda,waxaan u mahad celinayaa hogaanka iyo dhammaanba xubnaha Midowga Baarlammaannada Caalamka ee IPU sida ay usoo dhaweeyeen Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay isha ugu hayaan qaabka aynu u shaqeyneyno iyo guullaha aynu gaarnay mudadan kooban,runtii weli wax badan ayaa inoo harsan waxaanna Alle ka rajeyneynaa inuu noogu guuleeyo si lamid ah guushan taariikhiga ah”.

Siakastaba tallaabadan uu Baarlamaanka Dowladda Soomaaliya ugu guuleystay inuu si buuxda uga mid noqdo mudo 44 sano ah kadib midowga Baarlammaannada Caalamka ee Internal Parliament Union IPU ayaa waxey ka mid noqoneysaa guullaha waa-weyn ee uu ku tallaabsaday Baarlamaanka Soomaaliya mudada halka sanada ah oo uu jiray.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Hot Now, Wararka Maanta, Wargelin Show.
« »

Comment: