Calendar

banaan baxyo waawayn oo ruxay magalada baladxaawo ee gobalka gado

banaan baxyo wawayn oo ay iskugu imadeen bulshada reer baladxaawo ayaa malinimadi shalay ka dhacay magaalada baladxaawo kaaso lagu taageerayay nabad galyada laguna dalbanayay in la adkeeyo amaanka dagmadaasi iyo wada noolaashaha bulshada gobalka gado,

Bannaanbaxa waxaa soo qabanqaabiyay qeybaha bulshada, waxaana kala qaybgalay odayaasha dhaqanka iyo waxgarad kale.

Haweenka iyo ardayda wax ka barata dugsiyada kala duwan ee degmadaas ayaa si weyn uga dhex muuqanayay bannaanbaxa.

Nabaddoon Idiris oo ka mid ah nabaddoonnada Beled Xaawo oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa faahfaahiyay ahmiyadda ay nabadgalyada u leedahay nolosha iyo horumarka bulshada, wuxuuna codsaday in wadajir loo taageero.

dhinaca kale banaan baxan ayaa waxaa looga jawaabayay qilaaf siyaasadeed oo sookala dhex galay maamulka dagmada doolow iyo kan baladxaawo dadkan ayaa si gaar ah uga soo hor jeeday qalaafkaasi inuu dagaalka dhasho taaso ay dalbanayeen inay wada hadal iyo fadhi ku dhamaystan muranka siyaasadeed ee ka dhexeeya labada maamul

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: