Calendar

al-shabaab oo shidaal ka shubatey booyad biyo u waday deegaano biyo la aan loogu leday

wararka naga soo gaarayo gobalka hiiraan ayaa sheegayo in halkaasi ay ka dhacday dhacdo yaab iyo amakaag leh kadib markii dad u baaba ay biyo la aan booyad biyo laagu diray ay ciidamo katirsan al-shabaab ay ka shubteen shidaalkii booyadu ku socotey booyada oo u ocotey dagmo ka tirsan gobalka hiiran ayaa la sheegay inay istaagtey kob cidlo ah shidaal la aan darteeda.

Qaar ka tirsan waxgaradka tuulada Halgan oo 41 km waqooyi ka jirta degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay Al-Shabaab shalay gelinkii dambe tuulada Qondolyay oo 4 km u jirta Halgan ay shidaalka uga shubteen booyadda.

Dadka ku nool tuulada Halgan ayay waxgaradku sheegeen in ay bixiyeen kharaska biyaha lagu soo dhaamiyay, si loo caawiyo dadka ay biyo la’aantu saamaysay ee ku nool deegaanadda miyiga ah ee gobolka.

Waxgaradka ayaa arrintaas ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay cunaqabateynta ay maleeshiyadu ku hayso shacabka Soomaaliyeed.

goobo ka tirsan gobalka hiiraan ayaa waxaa ka dilacday biyo la aan ba aan oo sabab tey inay ku geeriyoodaan dad gaaraya 11 qof

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: