Calendar

Banaanbax Lagu Taageeraye Xukumada Loogana Soo Horjeeday Mooshinka Oo Kadhacay Muqdisho

Barxada Sayidka oo dhinaca ku haysa Aqalka Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo lagu taageerayo Xukuumadda Soomaaliya loogana soo horjeedo mooshinka Xukuumadda laga gudbiyay.
Shacab badan ayaa isugu soo baxay halka loo yaqaan wadada Zayidka iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin “Mooshin keene iyo Miine aase waa isku mid”.

Waxaan la ogeyn cida soo qaban qaabisay banaanbaxa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Xukuumadda lagu taageeraye,iyadoo goobta ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan maamulka Gobalka Banaadir laakiin kama aysan hadlin.

Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha dalka iyadoo qaar ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka ay ku dhawaaqeen inay la noqdeen mooshinka Ra’iisul Wasaaraha ay ka gudbiyeen.

Maalinta beri ah ayaa laguwadaa in Xukuumadda ay hortagto Baarlamaanka.

 

Wixii Banaanbaxaasin Kusoo Kordho Waa Idiin soo Gudbin-Doonna Insha Allah

C.llahi dayax Webka caalamiga ah ee www.Bartamaha.com

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: