Calendar

AMISON Oo ka hadashay Howl-galka Muqdisho Sheegtayna In ay Dhexdhaxaad ka tahay Arinta Jubbaland

Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ayaa ka hadlay howlgalo ciidamada Booliiska AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya maalintii labaad ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya Cali Aadan Xumad oo warbaahinta maanta la hadlay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka Magaalada Muqdisho looga sameynayo ay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay iska kaashadeen howlgalka laga sameeyay Magaalada Muqdisho isaga oo ujeedka howlgalka ku sheegay in Al-Shabaab markii ay ku fashilmeen qaab ciidanimo ay shacabka ku dhexdhuuntaan. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in meelaha la tuhmo guri guri loo galayo oo baaritaanka ciidanka ay ka sameynayaan,isaga oo sheegay in kaalinta shacabka kaga aadan howlgalkaasi ay ka qaataan.

Afhayeenka ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sidoo kale sheegay in xalay ay ka sameeyeen howlgal Degmooyinka Warta Nabadda,Yaaqshiid iyo wadada Warshadaha halkaasina ay kusoo qabteen dad badan baaritaanana uu ku socdo dadkaasi.

Afhayeenka AMISOM ayaa sidoo kale ka hadlay arimaha ka taagan Gobalada Jubbooyinka,isaga oo cadeeyay in dhamaan waxyaabaha ka socda Magaalada Kismaayo ay yihiin arimo ubadan siyaasad kaalinta AMISOM ay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Kismaayo.

Shalay iyo maanta ayaa ciidamada Dowladda Soomaaliya waxa ay howlgalo kala duwan ka sameeyeen Magaalada Muqdisho iyaga oo soo qab-qabtay dhalinyaro badan,waxaana howlgalkaasi iska kaashaday cidanka AMISOM qeybta Booliiska iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: