read more »">
Calendar

boqolaal Kun oo Somali ah oo Gargaar bin’aadanimeed u baahan

abaar3Tiro kor u dhaafaysa 350,000 oo ruux oo ay wax yeeleen dagaalada dalka ka soconaya kuna sugan caasimada Mogadisho ayaa haatan u baahan Gargaar deg-deg ah ,sida waqtigan dowlada Somalia iyo hay’aduhuba ay ula halgamayaan qaabkii looyareen lahaa cunayarida,qarmada midoobe ayaa walaac kamuujineesa in magaalooyin kale ay iyaguna si lamid ah Mogadisho oo kale noqdaan.

warbixin cusub oo kasoo baxday xafiiska qaramada midoobe ee isku xirka arimaha bini aadanimada ee (OCHA) ayaa lagu sheegay,“sugnaanta cuntada xaalad ahaan waa ay siixumaaneesay sida horaanba ay usii kordheesay qatarta abaarta Somalia”

Hay’addan ayaa sidoo kale sheegay in nafaqo xumida ka jirta xamar ay sii xumaanayso“Hay’adaha gargaarka uma suurtagaleenin iney lakulmaan guud ahaan wadarta gargaarka u baahan ee muqdisho kusugan”

Warbixintan ayaa soo baxday sadax sano kadib markii 250,000 oo ruux oo badankood ay yihiin caruur ay ugeeriyoodeen abaartii Somalia kudhufatay sanadkii 2011.

Dowlada Somalia ee ay beesha caalamka had iyo goor daba taagan tahay ayaa noqotay sanadkii 2012 waqtigii sida cad ay iminta wanaagsan ugu heshay iney dib uga soo kabsato dhibaatooyinkii 20-sano ee lasoo dhaafay.

Balse warbixinada gaajada iyo macluusha laxariira ee gudaha caasimada wax kaqabad la’aantooda iyo eedaha laxariira musuqa iyo weerarada dowlada ugaga yimaada Islmaayiinta ayaa kadhigtay dowlada mid lagu dhaliilo.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu cambaareeyay yaraanta taageerada iyo xaaladaha amaan ee dalka kajira islamarkaana mid xaalada sii murjisa arimaahasi ay kadhigeen in gargaarku uu gaaro halkii loobaahnaa,halka Al-shabab wali ay maamulaan qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Somalia ,ciidamo gaaraya 22,000 oo gobolka kasocdana ay joogaan Somalia.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured.
« »

Comment: