Calendar

Culimada Soomaaliyeed oo si kulul uga hadlay Duqaynta Yuhuuda ay ku Hayaan Falastiin

DSC023721Xili Yahuuda ay Xoojiyeen Duqeynta Cirka iyo Dhulka iskugu jirta islamarkaana ay ku hayaan Dhulka Reer Falastiin Gaar ahaan Magaalada Gaza ayaa Culumadda Soomaaliyeed waxaa ay Cambaareeyeen Duqeeynta Israa’iil ay ku hayso Dhulka Reer Falastiin.

Kulan lagu Cambaareenayo Duulaanka Israa’iil ay ka wado Marinka Gaza ayaa Culumadda Soomaaliyeed waxaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sheikh Axmed Macalin Yuusuf oo ah Gudoomiye kuxigeenka Majmaca Culumadda Soomaaliyeed ayaa sheegay in ummadda Muslimiintaa,gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Garab istaagaan Walaalahood  Reer Falastiin oo ay ka dhiidhiyaan xasuuqa Yahuudu ay ku hayso.

Waxaa sidoo kale asna halkaa hadal ka jeediyey Sheikh Axmed Al-qudubi oo sheegay in Dhibaatada halkaa ka jirta ay Mas’uul ka yihiin Wadamada Carabta oo Indhaha ka Qarsaday sida uu sheegayo.

Duqeeynta Yahuuda ay ka wado Dhulka Reer Falastiin ayaa waxaa ku Geeriyooday dad ka badan 800 oo Ruux,iyadoona ay ku dhaawacmeen Afar jibaar intaa Dad ka badan.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: