Burcad badeeda gacanta ku haysa Kaluumaysato u dhalatay Wadanka Masar oo muddo 7-cisha ah u qabatay nolosha dadkaasi.

Posted on Jun 29 2009 - 4:18am by News Desk
Tweet
Pin It

koox_burcad_badeedBartamaha(Muqdisho):-Kooxaha Burcad badeeda dalka soomaaliya ee gacanta ku haysa shaqaale u shaqeynayay markab kaluumaysi laga lahaa wadanka Masar ayaa wacad ku martay in ay dilayaan haddii aan muddo 7-cisha ah lagu bixin madaxfurasho ay sheegeteen.

Qaar ka mida ehelada shaqaale u dhashay wadanka Masar oo kor u dhaafaya ilaa 38-ruux ayaa waxa ay sheegeen in ay so gaartay hanjabaad kaga timid xagga kooxaha afduubayaasha ah oo xiriira la soo sameeyay ehelada dadka ay gacanta ku hayaan.

Muddo 7-Maalmood ka hor ah ayaa kooxahan soomalaida afduubayaasha ah waxa ay gacanta ku soo dhigeen markabkan Kaluumaysiga ah oo kaluumaysi ka waday xeebaha wadanka soomaaliya .

Ehelada dadka Masaarida ah ayaa walaac ka muujisay dalabka koxahaasi maadaama aanay awood u lahayn bixinta qarashaadka laga dal;baday dadka ay hayaan ragga afduubka u haysta kaluumaysatada u dhalatay Masar.

Waa markii ugu horeysay ee hanjabad dil ah loo jeediyay Kaluumaysato reer Masar ah kuwaasi oo  lagu helay fal afduub aan sharci ahayn balse ay gacanta ku dhigeen kooxo caalamka ay la dagaalsanyihiin Ee Burcad Badeeda Soomaaliya loo yaqaano.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.