Brazil oo ku guulaysatay Koobka konfedarayshanka (Brazil 3 USA 2)

Posted on Jun 28 2009 - 9:14pm by News Desk
Tweet
Pin It

soccer_g_usabrazil8_5761Ciyaar wacdaro leh ayaa ka dhacday maanta Koonfur Afrika, waa koobkii loogu magac daray “Confederation Cup”, waxaa kama dambaystii isugu yimid labada wadan Brazil iyo USA.

Ciyaarta markiiba waxaa laba gool yeeshay ciyaartoydii matalaysay USA iyagoo aad mooday inay weerar iyo weerar celin kulul ku hayeen Brazil, laakiin waxaa ciyaartu gebi ahaanba ay is bedeshay kadib markii laga soo laabtay Kaambiyada, oo in ka yar daqiiqad ayaa Maraykanka lagu soo rogaal celiyay wixii ka danbeeyayna waaba la ogaa.

Ciyaarta waxaa guushu ay raacday Brazil oo Maraykanka uga badisay 3 – 2

Goolasha Brazil waxaa u dhaliyay Luis Fabiano (Daqiiqaddii 46)
Luis Fabiano (Daqiiqaddii 73)

Lúcio (Daqiiqaddii 83)
Maraykankana waxaa u dhaliyay 
Clint Dempsey (9) Landon Donovan (26)

Kooxda Maraykanka waxaa u ciyaarayay: 

United States: Howard – Spector, DeMerit, Onyewu, Bocanegra – Dempsey, Clark (Casey 87), Feilhaber (Kljestan 77), Donovan – Davies, Altidore (Bornstein 77).

Kooxda Maraykanka waxaa u ciyaarayay:

Brazil: Julio Cesar – Maicon, Lucio, Luisao, Andre Santos (Dani Alves 66) – Gilberto Silva, Felipe Melo – Ramires (Elano 66), Kaka, Robinho – Luis Fabiano.