read more »">
Calendar

VIDEO: Mudane Buubaa oo ka hadlay xaaladda Baarlamaanka & Dowladda

buubaaMudane Ismaaciil Hurre Buubaa oo horey uga tirsanaan jirey golaha baarlamaanka Soomaaliya, marna soo qabtay xilka wasiirka arimaha dibedda ee Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah siiyay xafiiska Bartamaha ee Nairobi.

Maalintii shalay ahay oo ay taariikhdu ku beeganayd 22 November ee sanadka 2010 waxaa xarunta golaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho ku kulmay xildhibaano gaaraya 348 xildhibaan oo rabay iney ka doodaan ansixinta golaha wasiirada ee uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha cusub ee DFKMG ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Markii ay xildhibaanadu isugu tageen goobtii uu kulanku ka socday ayaa waxaa la keenay labo mooshin oo is hareer socda kuwaasi oo kala ahaa in xukuumadda lagu ansixiyo qaabka gacan taagga ah halka tiro kale oo xildhibaano ahna ay dalbadeen in asixintu noqoto nidaamka qarsoodiga.

Laguma guulaysan in xukuumadda la ansixiyo islamarkaana la isku raaco mid kamida labada mooshin ee la doonayay in xukuumadda lagu ansixiyo.
Kor ka daawo waraysigan uu mudane Buubaa uga waramayo xaaladdan soo noqonoqdka ah.

Comments

comments

Category : VIDEOS, Waraysi [ INTERVIEWS ].
« »

Comment: