read more »">
Calendar

Ilduufka darisku waa Horru-socodka Soomaalida:

falkIllaa intuu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Ku Meelgaarka ah ee Somaliya Mr. Farmaajo xubnaha golaha Wasiirada, dad badan ayaa ka dhiibtay fikiradooda. Dadka badankiisu waxaa ay isku raacsanyihiin in ay wasiiraddaan ay ka yar-yihiin kuwii ka horeeyay. Wallow dad badan oo aan ku jirro ay aamin-sanyihiiin in aan hadda loo baahneyn 18 Wasiir, haddana dhimista wasiirada waa hormar muhiim ah oo la gaaray . Dadka qaarkood waxaa ay qabaan, tayo ahaan, in ay Wasiiraddan ka heer- sareeyaan kuwii ka horeeyay oo ay yihiin kuwo ah “technocrats”.

Hadaba aan is yara dultaagno waxyaabaha cad cad oo ay  Wasiiraddan ay uga duwan yihiiin kuwii ka horeeyay, oo ah, sadex arrimood oo muhiim ah.

Waa midda horee, ragga uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu waa rag ku cusub maslaxa siyaasadda wadanka. Taas oo macnaheedu yahay, waa rag aan ka qaybgalinin dagaalkii sokeeye ee waddanka. Maxay taas muhiim utahay? Waxaa ay fariin cad u diraysaa raggii waddanka danbiyadda kagalay in uu waqtigoodii dhamaaday,lanagaaray waqtigii lala xisaabtami-lahaa. (2) raggan maadaama ay yihiin rag cusub, waxaa looga fadhiyaa in ay keenaan xal cusub oo aan horey layskugu dayin.

Midda labaad. Wasiiraddaan waa kuwii ugu horreeyay oo aysan noo soo dhisin dowlada Ethiopia . Waxaa illaahay mahaddiis ah, in aysan Ethiopia aysan meesha keensannin Ra’iisul Wassaaraha, assaguna uusan soo magacaabinin ragga ay ku fogaatay kalgacaylka darisku. Waxaa meeshaas iiga muuqatta ilduuf ay samaysay dowladda Ethiopia, Balse Soomaali ma ka faa’iidaysandoontaa ilduufkaas? Jawaabta waqtiga ayaa ina siindoona

Sidaan wadda ogsoonahay, in badan oo naga mid ah ayaa ka xumeeyd  kana soo horjeeday faragalinta shisheeyaha, khaasatan midda dariska – oo aan naggu dhaamin talo iyo tayoba isla markaana sheeganayay in uu caawin waddo, anagoo og in ay ka shaqeynayeen danahooda soo jireeynka ahaa,Waqtigan taagan Wasiiradda dowlada cusub ee Mudane Farmaajo waxaan ka dhex muuqan faragalintii looga bartay Ethiopia. Waa arrin horru- soccod ah.

Intii ka xumayd oo ka soo horjeeday faragalinta dariska, waxaa laga doonayaa in aysan dhihinin, hadii aanan helinin dowlad aysan darisku faragalin kulahayn 100%, wax aan ku darsaneyno majiraan. Maadaama ay jiri karto faragalin habba yaraatee, Waxaa nalaga rabaa in aan taageerno Wasiiradaan, tartiib tartiibna aan uga wadashaqeyno in aan dhisanno dowlad aan looga talin waddanka dibadiisa ee aan helno dowlad u adeegta dadkeeda iyo dalkeeda.

Tan-saddexaad. Amin Aamir ayaa waxaa uu soo qoray sawir farshaxaneed uu macalin kuwaydiinayay dhalinyaro Soomaaliyeed suaal. Taas oo ahayd, YAA RABA IN UU WAX BARTO? Hal arday gacanta ma uusan taagin, macalinkii baa ardadii waxaa uu waydiiyay YAARABA IN UU NOQDO MADAXWEYNE? Ardaydii oo dhan baa gacantooda wadataageen. Taas waxaa ay kutusineysaa dhibaatadii aan laga fakarinin markii aan taageeraynay qabqablayaahshiii reeraha. Ilamahayagii waxaa ay arkeen in sida lugu noqdo Madexweyne aysan ahayn in aad wax baratid oo adigu marka hore aad meel kasoo baxdid, ee aytahay in aad noqotid Jaahil/ Mannexe dilaa ah, kuna xeel dheer arimaha qabyaaladda. Mr. Farmaajo waxaa uu sameeyay wax wanaag ah oo u dhigma dhibaatadii qabqablayaashu ay sameeyeeyn labaatankii sano ee lasoo dhaafay. Hadda lagabillaabo, ilmahayagu waxaa ay u fakarayaan sida ilmayowga aduunku u fakaraan oo ah, dadaal oo naftaada dhis, waddankaaga wax u qabo, sumcad fiican ku yeelo bulshaddaada,markaas kadib, rajee Madexweynanimadda.

Nin caaqil ah baa hadda ka hor waxaa uu yiri,waalidu waa in aad samaysid markasta arrin isku si’ah, aadna rajeysid in aad heshid natiijo kala duwan.Maadaama aan tijaabinnay 20 kii sanno ee lasoo dhaafay, Qabyaalad, Dagaal, Jahli, Caddaalad-darro, Billiliqo, Gaajo iyo wax kasta oo xun oo dadku ay Illaahay ka magan-galaan, oo aan wadda ognahay meesha ayna dhigeen, bal maanta kaliya aan ka wardoono faa’iidada ay leedahay Nabaddu, Cadaaladda iyo Hormar, oo aan diidno markii uu noosheego Qab-qable waayay xukun uu isa siiyay, iyagoo ku andacoonaya dooda ah“reerkii waa laqadiyay” oo aan ku dhahno, waxaad noo talinaysay 20 sanno, wax aan dhibaato ahayn oo aan kaa faa’iidnay majirto, bal maanta meel naga fariiso Illaahay ku qaadyeh! Soomaalay aamiin iidhaha.

Omar A Sh. Aden

Columbus, Ohio

[email protected]

Fg. Qoraalkan waa mid ka tarjumaya qoraaga ku saxiixan.

Comments

comments

Category : Featured, The Story.
« »

Comment: