Calendar

Video: Muqdisho oo lugu qabtay hub iyo gaari loo adeegsan jiray dilalka xildhibaanno iyo mas’uuliyin dowladda

Xafiiska Warqabadka Bartamaha Muqdisho

Screen shot 2014-11-14 at 8.12.53 PMMuqdisho — Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka socda howlgallo la sheegay in lugu raadinayo kooxo dilal kala gadisan geystay,waxaana howlgal si gaar ah loo sameeyay lugu qabtay hub iyo gaari loo adeegsan jiray dilalka qorsheysan.

Ciidanka gaarka ah ee loogu yeero sirdoonka Soomaaliya ayaa xalay guri ku yaal degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir howlgal ay ka sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen hub iyo gaari loo adeegsan jiray dilalka qorsheysan.

Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka, Maxamed Yuusuf ayaa howlgalkan u xaqiijiyay warbaahinta xilli uu kula hadlay guriga howlgalka laga fuliyay.

Maxamed Yuusuf oo howlgalka ka hadlay waxuu sheegay inuu ka dhashay xog ay ciidamadu si hoose ku heleen, waxaana saraakiisha hay’adda nabadsugidda ay sheegeen in guriga xalay la galay uu ahaa mid dilalka qorsheysan ee laga fuliyo Muqdisho iyo qaraxyada laga soo abaabuli jiray.

“Gurigan hubka iyo gaadiidka laga helay dowladda ayaa la wareegtay, hubkii laga helayna waxaa ka mid ahaa jaakadaha qarxa iyo waxyaabaha kale ee laga sameeyo qaraxyada, kuwaasoo qaarkood la diyaariyay lana doonayay in maalmo dhow lagu weeraro magaalada. Gaariga muddo fog ayaa ku raad-joognay waxaa horay loogu fuliyay dilalka illaa afar xildhibaan oo ay ka mid ahaayeen; Xeyd iyo Saado,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.

Afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka ayaa intaas ku daray in howlgalka uu ahaa mid lagu guuleystay oo u dhacay sidii loogu talo-galay, isagoo xusay in laga soo saaray gurigaas gaari Toyoto Surf ah oo uu sheegay in lagu fulin jiray dilalka qorsheysan iyo sidoo kale hub iyo waxyaaabaha qarxa.

Waxuu sheegay Yuusuf in ciidamada ay guriga ka heleen boorsooyinka dumarka qaataan oo waxyaabaha qarxa ay ku jiraan iyo warqad dardaaran ah oo uu qoray nin qorsheynayay inuu qarxiyo, iyadoo uu sheegay in lagu qabtay afar qof oo midi ay dumar ahayd.

Sidoo kale,afhayeenka oo sii hadlaya waxuu sheegay in ninka gurigu u kireysnaa lagu magacaabo, Maxamed Ibraahim; isagoo xusay inuu hubka u hayay Al-shabaab, laakiinse uusan isagu ka mid ahayn Al-shabaab, hawaanna maxkamad lasoo taagayo. Baabuurka oo rasaas badani ka muuqato iyo gurigana lala wareegay.

Ugu dambeyn,gaariga ay ciidanka qabteen waaa la sheegay in loo adegsaday dilkii dad ay ka mid ahaayeen Allaha u naxariistee xildhibaan Xeyd, Saado Cali Warsame, maareeyaha hey’adda duulista iyo saadaasha hawada oo isna lagu dhaawacay gaarigan iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Howlgalka waxaa uu yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Muqdisho ka dhaceen dilal iyo weerarro ay ka badbaaden xildhibaanno iyo mas’uuliyin ka tirsan dowladda.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: