Calendar

Wasiir ka tirsan Dowlada oo walaac ka muujiyay ammanka guud Ee Magaalada Muqdisho.

5Bartamaha(Djabuti):- Wasiir ka tirsan Dowlada Soomaaliya yaa walaac ka muujiyay qatarta dhanka ammaanka ee ka taagan Magaalada Muqdisho isagoo ku baaqay in ammaanka wax laga badalo.

Wasiirka Naafada iyo dhaqan celinta Dowlada Soomaaliya Dr.Maxamed Cali Ibraahim oo Saxaafada kula hadlayay Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in ammaanka dalka uu Qatar badan ku jiro gaar ahaan Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasiirada Dowlada iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradaha aanay ku shaqeyn Karin Xaalada Muqdisho ka tagan isagoo ku baaqay in wax laga badalo ammanka guud ee Dalka.

Dr.Maxamed Cali Ibraahimoo haatan ku sugan Magaalada Djabuti ayaa waxa uu sheegay in ammaanka uu halis yahay Magaalada Muqdisho isagoo ku baaqay in Dowlada ay talaabo qaado si shaqada Dowlada ay u socoto.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in dalka xiligan ay muhiim tahay in wax laga badalo isagoo sheegay in aanay jiraynin cid shaqeysaa haddii aan ammaanka magaalada Caasimada ah wax laga badalin.

Hadalka Wasiirkaasi ammaanka ka dayriyay ayaa wax uu imaanayaa xilli dhawaan Magaalada Muqdisho lagu dilay Saddex Wasiir oo Dowlada ka mida iyadoo qarax loo maleegay lagul beegsaday Hotelka Shamow.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: