Calendar

Daawo muuqaalka diyaaradda MH17 markay dhulka kusoo dhacday

_mh17

Diyaarad rakaab ah oo ay lahayd Malaysian Airlines ayaa lagu soo riday bariga dalka Ukraine, halkaasi oo ah goob ay ka dagaallamayeen kooxaha mucaaradka ah ee taagersan Ruushka.

MH17 oo ay saarnaayeen 298 qof ayaa la sheegayaa in dhamaantood ay halkaas ku geeriyoodeen. Diyaaradda oo ka soo duushay magaalada Amsterdam waxay u socotay Kuala Lumpur.

Burburkii diyaaradda oo gubanaya ayaa la arkayay, waxaana qof dadka badbaadada ah uu sheegay in meydad badan halkaasi laga helay.

Hoos ka daawo muuqaalka diyaaradda MH17 markay dhulka kusoo dhacday.

Muuqaal kale

Madaxweynaha Ukraine, Petro Poroshenko, ayaa sheegay in diyaaradda ay soo rideen wax uu ugu yeeray argagixiso, waxaana uu ku baaqay baaritaan caalami ah

Masuuliyiinta Ukraine ayaa eedeeyay kooxaha gooni u goosadka ah ee Ruushka taageersan laakiin mucaaradku waa ay beeniyeen inay wax lug ah ku leeyihiin, waxaana ay sheegeen in ciidanka dowladda ay ka masuul yihiin.

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Featured, VIDEOS, World News.
« »

Comment: