read more »">
Calendar

DAAWO: Showgii Waayaha Cusub “SOOMAALIDU ARGAGIXISO MAAHA” (VIDEO + SAWIRO)


DSC_0623

Xafladii Somalidu Argagixiso ma ahan Alshababna Somali ma ahan oo si qurux badan u qabsoontay ayna ka soo qayb galeen ila 3270 qof dad kor u dhaafay kuwaas oo aad ula dhacsana fanaaninta Waayaha cusub, sidoo kale dadkii ka soo qayb galay waxay nasib u heleen albumka cusub ee Yaabka Alshabab oo bilaash ah ayna ugu deeqeen Dhalinta Waayaha cusub.

Fanaaninta Waayaha cusub ayaa ku soo bandhigay heeso kala duwan iyado habenkaas ay diirada saaraeyen heeso ay bulshada uga wacyigalinayeen sidii dhalinta looga reebi lahaa Alshabaab loona tusi lahaa wadada toosan ee ay ku badbaadi karaan.

[slidepress gallery='waayaha-cusub-2011']

Gudoomiyaha Waayaha cusub Shiine Akhyaar oo isagu ahaa xiriiriyihii xaflada ayaa hal mar dareenka shacabka badalay isaga oo xaflada u xiriiriyay si ka duwan hababki loo xiriirin jiray.

Dadku waxa ay ku qaylinayeen Alshabab dooni mayno Alqaacida dooni mayno danbiilaha dalkeena ha nooga baxo.

Aad ayay ii farxad galisay markaan arkay sida ay dadku u xafidsanyihiin heesaha ka hadlaya Alshabab ayna ula qaadayan xidigta Waayaha cusub Falis taas waxay muujinaysa saamaynta ay ku leeyihin Waayaha cusub bulshadooda sidas waxa yiri Hure Cali oo ka mid ahaa dadwaynihii ka soo qaybgalay xaflada.

Waxa habenkas dadka sii mada daalinayay inta aysan hoolka soo gaarin Waayaha cusub fanaaniin Kenya iyo South Africa caan ka ah oo ay ka mid ahaayen Abas Kubafu iyo Lol Jon.

Wacyigalinta noocan oo kala ah waa mid aan si wadayno si aan dadkena uga shaafino tashwiishka xagjiriinta ayuu cod dheer ku yiri fanaan Burhan oo isagu habeenkaas wacdaro dhigay.

Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment.
« »

Comment: