Calendar

Fanaankii weynaa ee Max’ed Suleymaan oo ku geeriyooday Jarmalka

 

Fannaankii weynaa ee Soomaaliyeed AUN, Maxamed Suleymaan Tubeec oo ahaa boqorkii codka ee fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka oo uu muddo ugu jiray xanuun soo wajahay.

Marxuum Tubeec ayaa muddo ugu jiray isbitaalka uu ku dhintay xanuun soo wajahay oo la doonayay in lagu qalo, balse ay ku timid tii Alle oo uu maanta ku geeriyooday isbitaalka uu xanuunka u jiifay.

Ehellada marxuumka ayaa geeridiisa u xaqiijiyay warbaahinta, balse lama sheegin halka lagu aasayo iyo xilliga la aasayo, iyadoo geerida marxuumka ay dad badan oo gudaha iyo dibadda Soomaaliya ku nool ay si weyn u hadal-hayaan.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu sannadkii 1946-kii uu ku dhashay Hargeysa, halkaa uu fanka kaga biiray, illaa uu ka mid noqday fannaaniintii hobolladii Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi, isagoo tan iyo markii ay Soomaaliya burburka gashay ku noolaa dalka Switzerland ee Qaaradda Yurub.

Fannaanka Maxamed Suleymaan ayaa lagu xusuustaa heeso badan oo uu qaaday intii uu fanka ku jiray, kuwaasoo isugu jiray nab-ammaan, waddani, jacayl iyo kuwo kale oo fara badan.

Sidoo kale, fannaanka wuxuu intii uu qubaha ku noolaa wuxuu dib u casriyeeyay heeso badan oo uu lahaa, isagoo sidoo kalena sameeyay albunno cusub oo heeso ah, kuwaasoo si weyn u soo jiitay bulshada Soomaaliyeed.

Allaha u naxariisteen Tubeec ayaa wuxuu ka mid noqonayaa fannaaniin badan oo geeriyooday intii uu dalku ku jiray burburka, kuwaasoo ay ka mid ahayd Xaliimo Cumar Khaliif (Magool) oo ay heeso fara badan isla qaadeen.

HOL

Comments

comments

About Chief Editor

Abdirizak Yonis is a senior chief editor at Bartamaha Media (a SMO "Somali Multimedia Organisation" Company), where he oversees the Bartamaha News outlet. Abdirizak was previously the National news editor of Bartamaha dot com. He has written for the site since the late 2012
Category : Latest Somali News, Madadaalo | Entertainment, Wararka Maanta.
« »

Comment: