Calendar

Dowlada oo Dhagax dhigtay Mashruuc lagu dhisayo Machadka Xanaanada Xoolaha iyo beeraha (Sawiro)

dhagax dhigga Isbartiibada3Bartamaha (Galkacyo):- Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dhagax dhigay Mashruuc aad u weyn oo laga hirgelinayo Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, gaar ahaana qeybta uu ka arimiyo maamul goboleedka Puntland.

Mashruucan oo ah mid aad u ballaaran ayaa waxaa lagu dhisayaa Machadkii ugu horeeyey oo Xanaanada xoolaha iyo beeraha lagu baranayo kaasoo isugu jira Waxbarasho dhexe, sare iyo heer Jaamacadeed oo lagu qaadanayo shahaadada loo yaqaano Diploma, waxaana intaasi u sii dheer in Machadkani uu yeelan doono qeyb Jiif (Boarding Department).

Machadkan ayaa kharashka ku baxaya waxaa bixinaya Bankiga horumarinta Islaamka (Islamic Development Bank), waxaana fulinaya hay’ad maxali ah oo lagu magacaabo Tadaamun, iyadoo la filayo in dhismaha Machadkani uu socdo muddo 7 bilood ah.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Dr. Cabdieli oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga ayaa aad u soo dhoweeyey dhismaha Machadkani wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la kordhiyo goobaha Machadyada waxbarashada, isagoo si gaar ahna u xusay in loo baahan yahay in la helo Machad daboola baahida Xanaanada xoolaha iyo Baahida maadaama ay gabaabsi yihiin macalimiinta dhigta xanaanada xoolaha loona baahan yahay Jiil cusub.

“Aadbaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhagax dhigo Machadkan waxaana u mahadcelinayaa Bankiga horumarinta Islaamka oo kharash badan ku bixinaya sidii loo hormarin lahaa dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Cabdiweli isagoo dhanka kalena u mahadceliyay mas’uuliyiinta maamulka Puntland oo uu sheegay inay guushan iyaga dhaliyeen.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amnigan Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan ayaa isna dhagax dhigay Isbartiibo loogu magac daray Cabdullaahi Ciise Siyaad taasoo laga dhisayo dhanka Koofurta ee maamulka Galmudug, iyadoo munaasabad loo sameeyey ay ka qeyb galeen madaxda maamulka Galmudug oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalim.

Isbartiibadan ayaa la sheegay in lagu bilaabayo dhismaheed lacag dhan 10,000 (Toban kun oo Dollar) oo ay bixiyeen guddiga Oleympicada Soomaaliyeed, iyagoo ugu  baaqay hay’addaha caalamiga ah iyo jaaliyaddaha Soomaaliyeedba inay ka qeyb qaataan sidii loo dhameystiri lahaa dhismahaasi maadaama toban kun oo Dollar aanu dhisi Karin 10% garoonkan Cabdullaahi Ciise.

Daawo Sawirada:-

dhagax dhiga Isbartiibada1







Garaad Salaad Xirsi

Gaalkacyo, Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Photos, Wararka Maanta.
« »

Comment: