Calendar

Wariye Soomaaliyeed oo soo bandhigay fadeexadda Raadiye UN-tu ay maalgaliso RADIO BAR-KULAN (VIDEO)

Shire-300x199Warbixin aad u dheer oo aad moodo in looga shaqeeyay qaabka Wikileaks ayaa markii ugu horeysay kusoo duxday qeybaha warbaahinta Soomaalida, taasi oo lagu sheegay in idaacad Lagu Magacaabo Bar-kulan oo ay maalgaliso Qaramada Midoobay ay tahay idaacadda ugu musuqmaasuqa badan idaacadaha afka Soomaaliga ku hadla, sida uu sheegay Wariye Cabdiqafaar Axmed Shire oo muddo sanad ka shaqeynayay idaacadaasi.

Wariyaha oo Kullan aad u ballaaran isugu yeeray qeybaha warbaahinta Soomaalida ayaa Maalinimadii shalay ahayd warsaxaafadeed ku qabtay Hotelka Barakaat xaafadda islii ee Magaalada Nairobi isagoo halkaasna kasoo jeediyay khudbad aad u dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, isla markaana uu wariyuhu ku daahfuray sir badan oo aysan ka warqabin warbaahinta Soomaalida.

Daawo Video-ga C/qafaar (25 daqiiqo) Qeybta 1aad:

Qeybta 2aad

Wariyaha oo madasha kulanka kasoo muuqday abaarihii 4:30 daqiiqo ayaa sheegay inuu muddo ka tirsanaa warfidiyeenada Soomaalida isagoo intaasina raaciyay inuu qeyb ka ahaa koox wariyayaal Soomaaliya oo loo qaadtay idaacad sanadkan bilawgiisii laga furay deegaanka Spring valley, degmada Westland ee Magaalada Nairobi ee caasimadda Kiinya, waxaa idaaccadaasi lagu magacaabaa Bar-kulan waxayse Soomaali badan u taqaanaa idaacadda AMISOM.

Saxfiyiintii Kullanka kasoo qeyb galayUgu horeynba waxa uu wariyuhu toos u abaaray inuu qeexo amaba caddeeyo idaacaddan lagu magacaabo Bar-kulan waxa ay tahay cidda maalgalisa iyo qaabka ay u shaqeyso, isagoo tilmaamay in ay idaacaddu tahay goob lagu dullaysto dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka hawl gala isagoo sidoo kalana tilmaamay in kharashka idaacadaasi lagu bixiyo uu yahay kii sida rasmiga ah loogu talo galay in lagu hormariyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta Soomaalida.

Tilmaanta Idaacadda.

Waxaa idaacaddan Bar-kulan lagu magacaabo maalgaliya oo kharashka ku bixiya Qaramada midoobay, waxaana loo soo marsiiyaa dhaqaalaha Hay’ad lagu magacaabo UNSOA oo ah hay’adda QM u qaabilsan taageerada ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM oo lagu magacaabo United Nations Support for Amisom hase ahaatee loo soo gaabiyo UNSOA, waxayna hay’adaasi u wakiilatay idaacadani iney maamulaan shirkado ajnabiya oo intooda badan laga leeyahay dalalka galbeedka gaar ahaana Britain amaba United Kingdom, ayuu Wariye Cabdiqafaar Shire Tilmaamay.

Saxafiyiin iyo Dadweyne kale uu dhageysanaya khudbaddii Cabdiqafaar Shire

Saxafiyiin iyo Dadweyne kale uu dhageysanaya khudbaddii Cabdiqafaar Shire

Cabdiqafaar Waxa uu qiray inay idaacadda Bar-kulan ay mudadii yareyd ee ay jirtay ay isu badaleen laba shirkadood oo ajnabiya taasi oo muujinaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid loo soo shaqa tagay.

Waxaa markii ugu horeysay ee shaqada naloo qaadanayay sanadkan Bilawgiisii raadiyaha Bar-kulan maamulayay Shirkad lagu magacaabo Okapi Consulting oo fadhigeedu yahay dalka Koonfur Afrika gaar ahaana magaalada Johanesburg, waxaase bishii tagtay ee November idaacadda la wareegay Shirkad kale oo lagu magacaabo Albany Associates taasi oo laga leeyahay dalka United Kingdom amaba UK, waxaana go’aamada ugu sareeya ee idaacadaasi gaara rag aanan u dhalan Soomaali islamarkaana dalalkoodii uga yimid iney ku tagri falaan isla markaana siday doonaan ka yeellaan dhaqaalaha umadda Soomaaliyeed loogu talo gallay, iyadoo aan qirayo in qaar kamida ay dalalkooda idaacado ku leeyihiin, isla markaana ay ku maamushaan kharashaadkii loogu talo galay warbaahinta Soomaaliya.

Cabdiqafaar Shire, iyo kasoo qeyb galayaasha Barnaamijka

Cabdiqafaar Shire, iyo kasoo qeyb galayaasha Barnaamijka

Wariyaha oo warbaahinta la hadlayay islamarkaana qeybtii dambe ee shir saxaafadeedkiisa ay su’aalo weydiiyeen qeybihii kala duwanaa ee ka socday warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay inuu isugu si rasmiya uga soo tagay hawshii uu Bar-kulan u hayay, kadib markii sida uu wariyuhu sheegay lagula kacay xadgudubyo ka dhan ah saxaafadda caalamiga ah iyo wax uu ku tilmaamay dullaysi amaba sharaf ridid qayaxan.

Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo inaan shaqadii aan u hayay idaacadda Bar-kulan kasoo tagay 6di bishan Dec ee sanadkan 2010 kadib markii tacadiyo iyo dhibaato badani kadib ay maamulka Bar-kulan go’aan ku gaareen inaan shaqada joojiyo, islamarkaana si aanan waafaqsanayn qawaaniinta iyo shuraacda u degsan saxaafadda iila dhaqmeen, ayuu Wariyuhu madasha shirka ka tilmaamay.

Kasoo qeyb galayaal

Kasoo qeyb galayaal

Wariyaha ayaa waxa uu tilmaamay in qaabka uu musuqmaasuqa idaacadda Bar-kulan ku sheegay inuu kala qaadayo dhawr qeybood oo uu ku sheegay iney yihiin waxa ka jira gunta idaacadda Bar-kulan oo aysan Soomaali badan war u haynin, taasi oo fajac galisay qaar badan oo kamida Warbaahintii kullankaasi kasoo qeyb gashay oo markii uu wariyuhu khudbadiisa dhameeyay Su’aallo badan ku harqiyay.

Waxa uu wariyuhu warfidiyeenada hortooda ka qiray inuusan sinaba u garanaynin waxa sababay in lagula kaco tacadiyadani islamarkaana in shaqadii Bar-kulan uu u hayay laga joojiyay , isagoo awalba sheegay in tacadi iyo dhibaato loo gaysanayay dhamaan wariyayaasha Soomaaliyeed intii ay idaacadaasi ka shaqeynayeen isla markaana ugu dambeyntii shaqada laga joojiyay iyadoonan loo marin wax sharciya.

Qaar kamida hadaladii wariye Cabdiqafaar Shire uu madasha ka jeediyay, ayuu si toosa uga xog waramay goortii ay bilaabatay Mushkiladda uu Bar-kulan uga soo tagay.

Cabdiqafaar Shire oo gudo galaya khudbadiisa

Cabdiqafaar Shire oo gudo galaya khudbadiisa

“ aan soo bilaabo wakhtiga mushkiladani ugu horeyntii ay bilaabatay Waxay ahayd 11kii November waxaa subaxdii barnaamij lagu magacaabo xulka wararka oo idaacadda bar-kulan ka baxa 8da aroornimo wareysi lagula yeeshay Muwaadin lagu magacaabo Eng Ismaaciil Jimcaale oo ka hadlayay in dawladda Soomaaliya ay si aanan sharci ahayn ugu wareejisay domainka Soomaaliya shirkad ajnabiya oo laga leeyahay dalka Japan, taasi oo lagu magacaabo GMO Registry.

Hadaba markii aan shaqada subaxaasi soo galay ayaa la igu wargeliyay in maamulka Bar-kulan ay I dhaafeen fariin ah Cabdiqafaar Marka uu shaqada soo galo hanoo yimaado gaar ahaana waxaa fariintaasi ii dhaafay Nin lagu magacaabo Soulle Issiaka oo u dhashay dalka Benin waana agaasime ku xigeenka Bar-kulan ahna madaxa barnaamijyada iyo wararka idaacadda.

“Kadib markii arintaasi la igu wargeliyay waxaan aaday xafiiska Soulle Issiaka oo ah masuulka fariinta ii reebay waxa uu igu soo qaaday barnaamijyo taxane ah oo afara inaan ka sameeyo Domainka Soomaaliya, oo lagu dhaliilayo in DFKMG ee Soomaaliya ay ku
Markii qaabkaasi la ii soo jeediyayay inaan u sameeyo barnaamijyadaasi afarta ah ee la igu wargeliyay inaan kadiyaariyo Domainka Soomaaliya ee DOT SO, ayaan Soulle Issiaka ku wargeliyay inaanan ku faraxsanayn qaabkaasi isla markaana ay dhibaato ka imaan karto maadama Bar-kulan aysan ahayn idaacad madax banaan oo ku xiran Qaramada Midoobay, waxaana soo jeediyay in Barnaamijka koowaad iyo barnaamijta kaleba aysan u muuqan kuwa lagu weerarayo siyaasadda Dawladda, lana helo barnaamij agabkiisu uu isu dheelitiran yahay oo aan ula jeeday in labada dhinacba Barnaamijka koowaad lagu wareysto waa dhinacayada eedaymaha isu jeedinayee, waxaan soo bandhigay in aqoontayda saxaafadeed oo aanan ahayn mid si aada u weyn iney I farayso in diyaarinta barnaamijku ay noqoto mid dhexdhexaada islamarkaana aysan cidna ugu horeynba u fahmin in lagu weerarayo, sidaasi ayuu Wariye Cabdiqafaar Tilmaamay.

Kasoo qeyb galayaasha

Kasoo qeyb galayaasha

Si kastaba ha ahaatee 4tii bishan Dec waxaa dhacay arintii aan anigu tuhunsanaa oo ahayd in dawlada Soomaaliya ay ka carootay qaabkii uu barnaamijkaasi uga baxay Bar-kulan islamarkaana looga hadlayay Domainka Soomaaliya ee lagu wareejiyay shirkadda Jabaaniiska ah, ayuu qiray Wariyuhu.

“Waxaa barqadii uu barnaamijka baxay oo ahayd subaxnimo Sabtiya taariikhduna ay ku beegnayd 04-12-2010 aanu taleefan kuwada hadalnay Soule Issiaka oo markii horeba igu amray inaan barnaamijka qaabkaasi u sameeyo, waxa uu ii sheegay in Wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta Cabdikariim Xassan Jaamac oo lasoo hadlay Qaramada Midoobay, Simon Haselock oo ah madaxa shirkad lagu magacaabo Albany Associates oo iyadu maamusha Bar-kulan, Simon Davies oo ah masuulka albany associates u qaabilsan UNSOA oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan taageeridda ciidamada Amisom oo ah hayadda tageerta idaacadda Bar-kulan, waxa uuna wasiirku dadka uu soo wacay kala hadlay inuusan raali ka ahayn idaacadda Bar-kulan barnaamijka ay kasoo diyaarisay Domainka Soomaaliya ee DOT SO in lagu wareejiyay shirkadda GMO Registry oo dalka Jabaan” sidaasi waxaa ii sheegay Soulle issiaka oo aanu wada hadalnay, waxa uuna intaasi raaciyay in wasiirku uu maamulka Bar-kulan ku wargaliyay inuu xumaan karo heshiiska DFKMG ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan la wadaagto hadiiba idaacaddu ay baahineyso barnaamijyo liddi ku ah rabitaanka Xukuumadda Soomaaliya, waa sida uu Wariyuhu  u sheegay qeybaha warbaahinta ee Kullankaasi kasoo qeyb gashay.

Kasoo qeybgalayaasha kullanka

Kasoo qeybgalayaasha kullanka

Isla maalintii uu barnaamijka ka baxay idaacadda waxaan aniga iyo Soulle Issiaka iyo isku waafaqnay in barnaamijkii subaxaasi idaacadda ka baxay wax laga badalo si uusan dhibaato kale ugu keenin xiriirka Bar-kulan iyo dawladda, labada jeer ee kale ee u harsanayd wakhtiga uu barnaamijkaasi todobaad walba ka baxo anigoo haya cadeyntii aanu labadayada is dhaafsanay, ayuu Shire hlkaasi ak sheegay

Wariyayaal ku sugan madasha Shirka

Wariyayaal ku sugan madasha Shirka

Tilmaanta Idaacadda.

Wariye Newyork oo qaar kamida Su'aalihii Warbaahinta weydiinaya Wariye Cabdiqafaar Shire

Wariye Newyork oo qaar kamida Su'aalihii Warbaahinta weydiinaya Wariye Cabdiqafaar Shire

Waxaa idaacaddan lagu magacaabo Bar-kulan maalgaliya oo kharashka ku bixiya Qaramada midoobay, waxaana loo soo marsiiyaa dhaqaalaha Hay’ad lagu magacaabo UNSOA oo ah hay’adda QM u qaabilsan taageerada ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM oo lagu magacaabo United Nations Support for Amisom hase ahaatee loo soo gaabiyo UNSOA, waxayna hay’adaasi u wakiilatay idaacadani iney maamulaan shirkado ajnabiya oo intooda badan laga leeyahay dalalka galbeedka gaar ahaana Britain amaba United Kingdom, ayuu Wariye Cabdiqafaar Shire Tilmaamay.

Cabdiqafaar Waxa uu qiray in ay idaacadda Bar-kulan ay mudadaii yareyd ee ay idaacadda Bar-kulan jirtay ay isu badaleen laba shirkadood oo ajnabiya taasi oo muujinaysa in dhaqaalaha Soomaaliya uu yahay mid loo soo shaqa tagay.

Wariyeyaal kasoo qeyb galay Madasha Kullanka

Wariyeyaal kasoo qeyb galay Madasha Kullanka

Wariyaha oo warbaahinta la hadlayay islamarkaana qeybtii dambe ee shir saxaafadeedkiisa ay su’aalo weydiiyeen qeybihii kala duwanaa ee ka socday warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay inuu isugu si rasmiya uga soo tagay hawshii uu Bar-kulan u hayay, kadib markii sida uu wariyuhu sheegtay lagula kacay xadgudubyo ka dhan ah saxaafadda caalamiga ah iyo wax uu ku tilmaamay dullaysi amaba sharaf ridid qayaxan.

Waxaan rabaa inaan idinku wargeliyo inaan shaqadii aan u hayay idaacadda Bar-kulan kasoo tagay 6di bishan Dec ee sanadkan 2010 kadib markii tacadiyo iyo dhibaato badani kadib ay maamulka Bar-kulan go’aan ku gaareen inaan shaqada joojiyo, islamarkaana si aanan waafaqsanayn qawaaniinta iyo shuraacda u degsan saxaafadda iila dhaqmeen.

Madasha Kullanka

Madasha Kullanka

Si kastaba ha ahaatee waxa uu sidoo kale Wariyuhu ka hadlay dhibaatooyinka, tacadiyada iyo sharaf ridida lagula kaco guud ahaanba wariyayaashii Soomaaliyeed ee ka hawl gala Bar-kulan isagoo arimahaasi u soo gudbiyay Qodob qodob:

  1. Dhamaan wariyayaasha Bar-kulan haatan jooga amaba kuwii horey uga hawl galay waxaa jirtay dhibaatooyin mar waliba haystay oo aysan wariyayaashu ka hadli karin ka hadli karin, waxaa kamida inteena badan waxaan Bar-kulan ka shaqeynaynay ku dhawaad muddo hal sano ah, waxaa nala shaqaalaysiiyay markii hore inagoo dalka Kiinya qaxooti ku ah, waxaana haysanay warqado muujinaya inaan muwaadiniin Soomaaliya nahay isla markaana aan Kiinya qaxooti ku nahay, waxaan sidoo kale haysanay Baasabooro Soomaaliya, taasi oo markii aanu shaqada bilaabaynay nalagu wargaliyay in baasabooradeena la soo saari doono warqado cadeynaya in naloo ogol yahay in Kiinya aan ka shaqeysan karno, taasina waynu ku hungownay oo waxay noqotay balan aanan la oofin, kaligay maahan dhamaan wariyayaasha Bar-kulan ka shaqeeya intooda badani ma haystaan Baasabooro sharciya oo ay u saaran tahay in Kiinya ay ka shaqeysan karaan isla markaana ay ku noolaan karaan, waxayna taasi dhalisay in mar, labo iyo sadexba qaar kamida saxafiiyinta Soomaalida ah ee Bar-kulan ka shaqeeya ay xarig u gaystaan qaar kamida ciidamada amaanka ee Kiinya, taasi oo xadgudub ku ah nidaamka shaqada iyo shaqaalaha.
  2. Waxa uu wariye Cabdiqafaar qiray in dhamaan wariyayaasha halkaasi ka hawl gala lagu duleystay qandaraaska ay  ku shaqeynayeen isagoo xusay in muddo hal sano ah ay dhamaantood ku shaqeynayeen qandaraaska QM ay u aqoonsan tahay Special Service Agreemen loona soo gaabiyo SSA kaasi oo ah heshiis dhigaya muddo ku siman saddex bilood oo ah muddo loogu talo galay in lagu qiiimeeyo shaqada ruuxa kadibna uu saxiixo qanadaraas amaba Contract sanad gaaraya taasi oo u sheegay wariyuhu mid lagu dulaystay, isaguna uu ka aamusi waayay.
  3. Dhibaatada kale ee wariyay kasta oo Bar-kulan la shaqeeya soo foodsaartay ee uu wariyuhu sheegay ayaa ah in xoogaga mucaaradka ee ku kacsan dawladda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay Bar-kulan ka aaminsan yihiin idaacad u shaqeysa ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo ay iyagu u yaqaaniin cadawga Ilaahay, waxayna arintaasi dhalisay in marar badan fariimo hanjabaado ah nala soo gaarsiiyo guud ahaan, gaar ahaana waxaa uu wariyuhu sheegay in isaga dhawr jeer loogu hanjabay inuusan Islaam ahayn oo aan AMISOM la shaqeeyo iyadoo la iigu hanjabay in qudha la iga jari doono gooray noqotaba taasi oo cabsi badan igu beertay muddo farabadan haatana aan baylaha amaba aan banaanka u aalo oo aan Bar-kulan ka soo tagay anigoonan haysan wax damaanad qaad ah amaba Job Security isla markaana aanan ku laaban karin Soomaaliya oo ah dalkayga aan jeclahay guud ahaan gaar ahaana goobaha ay ka taliyaan Xoogaga Mucaaradka ee k u kacsan DFKMG ah ee Soomaaliya.
  4. Hadaba dhibaatada intaase le’eg ee aan dareemayo dhabtiina aan filayo in qaar badan oo idnka mida ay ila fahmayaan ma tahay mid indhaha laga qarsan karo, ma tahayse mid laga aamuso oo aan loo soo bandhigin warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, Jawaabta waxaan u daynayaa Bulshada Soomaaliyeed ee Kullankani kasoo qeyb gashay, iyo inta warfidiyeenadu ay dhambaalkayga gaarsiiyaan.

Ugu dambeyntii waxa uu Wariye Cabdiqafaar Shire baaq, bogaadin iyo talaba u soo jeediyay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee aanan helin dawlad iyo qaran ku ilaaliya mihnadooda shaqo, iyo ururo caalamiya oo si dhameystiran u damaanad qaada xirfadooda iney muujiyaan isku duubni wada jir iyo iskaashi dhameystiran oo sal u ah wadaniyad, ala kacabsi, iskuduubni iyo Soomaalinimo si aysan u dhicin maalin walba in midkeen kamida bahda warbaahinta Soomaalida uu meel cidlo ah amaba baylah ah ka qaadto bahal amaba cadaw aanu horey u diyaar san karnay gaashaankii aanu kula dagaalami lahayn, si aanan loogu xadgudbin xuquuqda saxaafadda Soomaalidu saxafiga Soomaaliyeedna uusan u noqon looma ooyaan iyo ruux u nugul in la dhibaateeyo.

Waxa uu sidoo kale wariyuhu DFKMG ah ee Soomaaliya golahaeeda sharci dejinta iyo xukuumadda, ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta caalamka iyo Soomaaliyaba ka codsaday iney ka hadlaan xadgudubka lagula kaco saxafiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana xadgudubka khaasatan isaga lagula kacay isla markaana baaraan dhibaatada iyo amni xumada uu wariyuhu sheegay inuu dareemayo oo ay sababteedu ahayd in dad ajaanib ah oo aanan Soomaaliya u dhalan ay nagu maamulaan islamarkaana nagu dulaystaan wax markoodii horeba loogu talo galay sida la sheegayo Warbaahinta Soomaaliya si ay uga shaqeyso nabadeynta Soomaaliya nabadeynta Soomaaliya.

Faahfaahin kala soo xiriir

Cabdiqafaar Shire, [email protected]

Nairobi, Kenya

Comments

comments

Category : VIDEOS, Wararka Maanta.
« »

Comment: