Calendar

Dowlada Somalia oo ciidamo qaas ah loo toba barayo

Wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somalia Amb. Nicholas Kay ayaa shaaca ka qaadey in wadanka Somalia loo tobabarayo ciidamo qaas ah oo si gaar ah u tobabaran, ciidamadaan ayuu kay sheegay inay gaarayan tiradooda 10500 oo askari ,

Kay ayaa sheegey in uu aaminsan yahay in ciidamadani inay wax ka badali karaan xaalada amaan ee magaalada muqdisho iyo tan somaliyaba , kay ayaa dhinca kale sheegay in wadamada Somalia taageerada siiya inay muujin doonan doorkooda ku aadan dhisida ciidamadani oo ah ciidamo qaas ah,
Kay ayaa sheegay in ciidamadani ay ladagaalami doonan kooxaha falalka amaan daro ku hayo Somalia oo ay kamid tahay al-shabab,ayna ka hor tagi doonan weerarada lagu soo qaado xarumaha iyo goobaha bulshada loogu shaqeeyo ,
Amb. Nickoles kay ayaa hadalka ka jeediyay mar uu ku sugnaa magaalada new York ee wadanka maraykan ayaa waxa kaloo uu goobta ka sheegay amaan darada muqdisho inay sababi karto in markale ay hay’adda qaramada midoobay ka guurto wadan ka Somalia,
Hadalkan ayaa imaanaya ayadoo Isbuuc kahor ay ahayd marki hay’adda UNka keensatey magaalada muqdisho ciidamo qaas ah oo gaaaraya ilaa 400 oo askaro kuwaasoo ilaalin doona xarumaha ay ku shaqayaan hay’addaha kala duwan ee UNka hoos yimaada ee ka howlgala magaalada muqdisho ee caasimada Somalia

Comments

comments

Category : Featured.
« »

Comment: