Calendar

Baarlamaanka Soomaaliya oo Dowladda dhaliilay

Kulankii ay maanta xildhibaanada barlamaanka dowlada fedarealka ah ee Somalia ay wada qaateen ayaa waxaa looga hadlayay dhowr arimood oo ay kamid ahayd miisaaniyada sanadka 2014 oo barlamaanka horey u wadeen xildhibaanada kulanka ayaa ahaa laba qayb oo qaybta hore uu shir gudoominayay gudoomiye Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar  halka qaybtiisi danbena uu shirgudoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Kulaankii danbe ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyay mudane maxamed cismaan jawaari khubadaasi oo meelo fara badan taabanaysay ayu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaga hadlay tacadiyada dadka iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed loogu geysto dalka Kenya, isaga oo Tusaale usoo qaatay dhacdo xalay mudo saacado ah lagu xiray Qunsulka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalkaasi waxaana uu falalkan Guddoomiyuhu ku tilmaamay mid aanan la aqbali Karin balse looga baahanyahay Xukuumadda Soomaaliya iney talaab deg deg ah qaado.

Qunsulka Soomaaliyeed ee Kenya ayaa ciidamada booliska Kenya  inta ay qabteen ayay waxay ku dhex dareen gaarigii ay saarnaayeen dadka sharci darrada ah,

Sido kale qunsulka ayaa waxa uu tusay warqadiisa diblomaasiyadda, way aqoonsan waayeen, ciidamadaasi,

Intaas kadib way xireen iyagoo aan tixgelin jagada uu hayo, xitaa safiirkii oo loogu yeerey ayay aqoonsan waayeen oo ciidanka tusay in uu yahay Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, meelo badan ayuu la xiriiray safiirku, arintaan ma ahan oo kaliya mid xad gudub ku ah sharciga diblomaasiyiinta caalamka ee la isku ixtiraamo, ee waxaan u aragnaa mid xadgudub ah qaranimada soomaaliya ayuu yiri mudane jawaari oo si wata hadalkiisa ayaa waxa uu ku datey in arintaan golaha barlamaanka aysan u dul qaadan karin,

Wuxuuna sheegey in Xukuumadda soomaalia laga doonayo in ay jawaab cad ay ka bixiso arrintaasi” ayuu markale hadalkiisa ku daray Guddoomiyaha Baarlamaanka. Dowlada fedaralka ee Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: