Calendar

Baarlamaanka somalia oo su’aalo waydiiyay Wasiirka Amniga qaranka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaa kalo fadhiyay kulankaasi  Guddoomiye ku xigeennada Koowaaad iyo Labaad ee Baarlamaanka ayadoo Ajandaha Baarlamaanka qeybta hore uu ahaa dhameystirka dooda la xiriirtay Miisaaniyadda sanadkan 2014ka.

Laakiin Shaqada ugu ballaaran ee baarlamaanka maanta waxa ay aheyd su’aallo weeydiinta Wasiirka Amniga Qaranka, ayadoo Xidlhibaannada Baarlamaankana ay su’aallahooda la xiriireen Agoonta Ciidamada Booliska Xuquuqdooda, xaqa ciidamada u naafoobay Qaranka, Wax ka qabashada Amniga, natiijada baaritaanka weerarkii 21kii-February-2014 lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Qaranka, mas’uuliyadda iyo sharciyadda hay’adaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iyo dilalkii loo kala geystay odayaal dhaqameedyo iyo Xildhibaanno ka tirsanaa baarlamaanka.

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Xildhibaannada Baarlamaanka uga jawaabayey su’aallaha ay weeydiiyeen ayaa ugu horeyn u faah faahiyey Mudaneyaasha Golaha Shacabka sida ay u shaqeeyaan xiligan hay’adaha amniga Dalka, waxaana uu xusay in seddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay hay’adaha amnigu ku guuleysteen fashilinta weerarro iyo qorshayaal ay argigixisadu soo maleegtay, kuwaasi oo kumanaan gaaraya marka wadartooda la isku geeyo.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa Baarlamaanka ka codsaday iney ka qeyb qaataan u fududeynta hay’adaha ammaanka Dalka howlahooda Qaran, taasi oo ay ugu horeyso fududeynta sharciga la dagaalanka argigixisada oo dhowaan Golaha Shacabka la horkeeni doono.

Su’aallo weeydiinta Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaa u haray 29 Xildhibaan sida Guddoonka Baarlamaanka ballan qaadayna su’aallahasi maalinnimada berrito ah ayey Xildhibaannadu dhameystiri doonaan,sidoo kalena waxaa berito isla Baarlamaanka hor imaan doona Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdullaahi Goodax Bare oo kal hore ay baarlamaanku dalbadeen.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: