Calendar

Dowladaha Ethiopa iyo Talyaaniga Oo Kawada Hadlay Xaalada Soomaaliya

Wasiirka arimaha dibada dalka Talyaaniga Lapo Pistelli ayaa kulan xasaasi ah la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan dalka Ethiopia waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo xaalada Soomaaliya.

Waxayna ugu horeyn diirada saareen doorka Kenya ay ka qaadatay Nabadeynta Soomaaliya iyo qaabka Ethiopia u garab istaagtay Soomaaliya.

Lapo Pistelli, wasiirk arimaha dibada dalka Talyaaniga ayaa Ethiopia ku amaanay garab istaageeda Soomaaliya, isagoona farta ku fiiqay horumaro dhowr ah oo ciidamada Ethiopia ay ka sameeyeen deegaanada dalka Soomaaliya.

Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay tababarka la siinayo ciidamada Soomaaliya.

Sidoo kale Lapo Pistelli, ayaa shaaca ka qaaday in uu taageersan yahay xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga ayaa dowlada Ethiopia ku adkeeyay sii wadida xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo kaalmada ay siinayaan.

Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay wasiirka arimaha dibada Talyaaniga in dowlada Talyaaniga ay sii kordhineyso taageerada ay siineyso ciidamada Midowga Africa ee ku howlgala Magaca AMISOM.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: