Calendar

Japan Oo Lacago Malaayiin ah Ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya

Kadib Shir Gaar ah oo ka dhacay Magaalada Dekedda leh ee Ykohama ee dalka Japan kaasi oo ay wada shir Guddoominayeen Ra’isal Wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Max’ud ayaa Ra’isal Wasaaraha dalka Japan waxa uu shirkaasi kaga dhawaaqay in dowladdiisa ay Soomaaliya ugu deeqeyso Lacag dhan 55.4 Million oo dollarka Mareekanka ah si looga caawiyo Soomaaliya dib u dhiska iyo Tayeenta Ciidankeeda qalabka Sida.

Shinzo Abe Ra’isal Wasaaraha Waddanka Japan ayaa intaasi waxa uu kudaray in loo baahanyahay in qaaradda Afrika iyo dowladda Japan Xiriirkii soo Jireenka ahaa ee ka dhexeeyay dib loo soo nooleeyo Maadaama uu sheegay in dowladdiisa ay quud dareyneyso in Maal gashi ay ku sameysato Wadamadda Afrika oo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Shinzo Abe ayaa shaaca ka qaaday in kaliya aanu ku ekeen deeqdaan Lacageed kaalinta dowladdiisa kaga aadan wax ka qabashada xaaladaha Soomaaliya ee ay qorsheyneyso in Mashaariic iyo Lacago kale ay guddoonsiiso Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud oo ka hadlay deeqdaasi Lacageed ee Japan ay ugu tala gashay Soomaaliya ayaa uga Mahad Celiyay taageerada Muuqata ee Xukuumadda Tokyo ay siineyso waddanka Soomaaliya.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: