read more »">
Calendar

Dowladda Jappan Oo Marti-gilineysa Shirka looga hadlayo Arimaha Soomaaliya

jappXilli uu wareysi siinayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Wargeyska Kyodo News isagoo ku sugan Magaalada Caasimada ah ee Ethiopia,ayaa wuxuu ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo meesheey wax marayaan,isagoona si gaar ah u carababay in shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya uu ka furmayo todobaadkaan gudihiiisa dalka Japan gaar ahaan Magaalada caasimada ah ee Tokyo.

Sida uu madaxweynaha sheegay shirka ayaa u jeedkiisa wuxuu yahay horumarka Africa (TICAD), waxaana si wada jir ah shirka Japan u daadihinaya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Jaban Shinzo Abe.

“Waxyaabaha ugu daran ee aan dooneyno in dowlada Japan naga caawiso waxay tahay horumarka dhanka Bini-aadanimada,sida farsamada,iyo inay nagu caawiyaan qalab isgaarsiineed,ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Wuxuu ammaan kala dul dhacay dowlada Japan uu ku sheegay inay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed,isagoona xusay in taageero badan ay u fidisay,isagoona madaxweynaha tilmaamay in dowlada Japan ay ka doonayaan kobcinta dhaqaalaha dalka si dhalinta shaqo la’aanta fursad u helaan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysigiisa ahaa mid dhinacyo badan taabanayay kuna saabsanaa dhibaatada dalka ka jirta horumaradii ugu danbeeyay ee la gaaray ayaa shirka ka furmaya dalka Japan ee arimaha Soomaalida looga hadlayo wuxuu ka muujiyay rajo wanaagsan oo mustaqbalka Soomaaliya wax weyn ka badalaya.

Safarka Madaxweynaha uu ugu anbabaxayo dalka Japan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu ku tago tan iyo markii Muqdisho lagu Magacaabay,inkastoo dalal badan uu tagay oo Africa iyo Yurub ka ka tirsan.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: