Calendar

Sarkaal Dil- Loogu Geystay Dagmada Yaaqshiid

Kooxo hubaysan ayaa saaka Xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid waxa ay ku dileen Beerey Xasan Jeeb oo ahaa Guddoomiyihii laanta Suuq Bacaad ee maamulka Degmada Yaaqshiid.

Dilka Guddoomiyaha laanta Suuq Bacaad ayaa waxaa ka dambeeyay niman hubaysan oo durba goobta ka baxsaday kadib markii ay la dhaceen rasaas isaga iyo ruux kale oo ilaalo u ahaa.Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa Sheegay  in Beereey Xasan lagu hor dilay xarunta uu Guddoomiyaha ka yahay ee laanta suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid.Lama oga cida ka dambeysa dilka loo geestay Beerey Xasan Jeeb oo ahaa Guddoomiyihii laanta Suuq Bacaad ee maamulka Degmada Yaaqshiid.

Comments

comments

About Staff

Staff waa Weriye kasoo warama Magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka qoraa Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Ciyaaraha.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: