Calendar

Dr. Cali Macow Aways oo si ballaaran loogu soo dhoweeyay magaalada Garowe (sawirro)

Garoowe_ Waxaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garoowe Dr. Cali Macow Aways oo ah dhakhtar ay siweyn uyaaqaanin dadka Somaaliyeed, isla markaasna xarumo caafimaad kulleh dalka Jarmalka.

Soo dhowaynta Dr-ka ayaa waxaa kaqayb qaatay Masuuliyin katirsan dowlada Puntland iyo qaar kamid ah, qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Garoowe.

Guddomiyaha degmada Garowe C/casiis Nuur Cilmi oo lahadlay saxaafada ayaa sheegay in ka maamul ay ahaan ay farxad gelinayso imaashaha Dr Macow ee Puntland, waxaana uu intaasi ku daray inay rajaynayan in Dr-ku hawlo caafimaad usameeyo bulshada Puntland ee qaarkood xaaladaha caafimad la ildaran.

Dhiniciisa Dr Macow ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay soo dhowaynta uu kula kulmay maamulka iyo shacabka Puntland, waxaana uu ballan qaaday in muddo saddex bilood ah oo uu joogi doono Puntland uu hawlo caafimad u samayn doono bulshada kunool Puntland.

Dr. Cali Macow Aways ayaa horay waxaa loogu xiray magaalada Hargaysa, waxaana ciidamada Soomaliland ay albaabad ulaabeen goob caafimaad uu ku lahaa magaalada Hargaysa, iyagoona ku edeeyay inuusan aqoon ulahayn hawlaha caafimadka.

DSC05643 DSC05648 DSC05649 DSC05655 DSC05659 DSC05664 DSC05670 DSC05679 DSC05682 DSC05685 DSC05686 DSC05688 DSC05690 DSC05694 DSC05695 DSC05696 DSC05698 DSC05699

Comments

comments

Category : Latest Somali News, Wararka Maanta.
« »

Comment: