Calendar

Qaramada Midoobay oo canbaareeyay Dilkii Wariye Keynaan

BARTAMAHA – Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ergayga gaarkaa ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nikolse Kay ayaa waxaa lagu sjeegay in QM ay ka Xun tahay Dilka Wariye Yuusuf Axmed Abuukar ee Magaalada Muqdisho lagu dilay.

Warka Qoraalkaa ayaa waxaa lagu sheegay in QM ay Tacsi u direyso Ummmada Soomaaliyeed iyo Eheladii uu ka Geeriyooday Wariye Yuusuf Keynaan oo Gacan ka Xaqdaran ay Saaka Dishay.

Dhanka kale Taliska Ciidamada AMISOM ayaa Cambaareeyey Dilkii Yuusuf Axmed Abuukar Keynaan oo Magaalada Muqdisho Qarax loogu Xiray gaarigiisa ku geeyriyooday,waxaana ay Tacsi u direen Eheladii uu ka Geeriyooday iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.

Madaxa Siyaasada Ciidamada AMISOM  Mudane Xaaji Ciise oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Laamaha Amaanka Soomaaliya in ay Sharciga horkeenaan Dadkii ka danbeeyey Dilka Wariye Yuusuf Axmed Abuukar oo Muqdisho lagu Dilay Saaka.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: