Calendar

Faah-faahin Madaxweyne Yuusuf Walaalkiis oo Xalay la dhaawacay

bisBartamaha (Gaalkacyo):- Waxaa Faah-faahin dheeraad ah laga helayaa dhaawac culus oo xalay la gaarsiiyay  Madaxweyne C/laahi Yuusuf wiil ay wada dhasheen.

Madaxweyne Col.C/laahi Yuusuf Axmed wiil ay wada dhasheen oo lagu magacaabayay Col.Warsame Yuusuf Axmed ayaa xalay dhaawac culus lagu gaarsiiyay gudaha Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Col.Warsame Yuusuf Axmed ayaa waxaa dhaawacaasi la gaarsiiyay xilli uu ku sugnaa  Albaabka hore ee Masjid ku yaala Magaalada Gaalkacyo ee gobolka  Mudug waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dhaawaciisa uu halis yahay.

Col.Warsame ayaa waxaa la sheegay in rasaasta ay kaga dhacday xagga madaxa iyo qeybaha kale ee Jirkiisa taasi oo xaalad culus uu u galay Ninkaasi ay wada dhasheen Col.C/laahi Yuusuf Axmed .

Lama garanayo sababta loo beegsaday ninkan ka mid ahaa ragga ka da’da yar madaxweynihii xilli haayay jagada madaxnimo ee dalka Soomaaliya  iyadoo aan la ogayn in loo beegsaday sababo la xiriira la dhalasha Madaxweyne C/laahi Yuusuf.

Col.Warsame ayaa la dhigay Isbitaal Gaalkacyo ku yaala waxaana falkan ka xumaaday dad badan oo Eheladiisa ah iyo dadka dagan Gaalkacyo oo la fajacay sababta loo dhaawacay Col.Warsame Yuusuf Axmed.

Ciidanka Ammaanka ayaa maanta magaalada ka samaynayay Howlgal ay ku baarayaan cida falkaasi ka danbaysay wallow aanan la garan raggii toogashada dhaawaca sababtay u gaystay ninka ay wada dhasheen Col.Claahi Yuusuf Axmed.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: