read more »">
Calendar

Gacal Is jecel oo Caawa kala go’doosan Gudaha Muqdisho.

warshadahaaBartamaha (Muqdisho):- Magaalada Muqdisho oo noqotay magaalo u kala xeran Islaamiyiinta Mucaaradka iyo Amisom ayaa Caawa waxaa kala go’doosan gacal is jecel.

Magaalada ayaa waxa ay tahay mid xiligan leh hal wado oo aad moodo in Xad wadaag ay ka yihiin Kooxaha dalka isku haya oo xuduud oo kale adkeeyay ammaanka wadadaasi iyo dadka maraya oo ay si gaar ah u xadideen.

Wadooyinkii Magaalada laga mari jiray sida Wadnaha,Jidka 30-Ka,Manabooliyo,jidka Sayidka iyo wadada dabka ayaa hadda xeran oo dagaalada iyo xadka la kala dhigtay u xerantay waxaana furan qeyb yar oo ka mida warshadaha.

Wadada warshadaha oo ka furan wax ka yar  1-KM ayaa maanta la xeray ka gadaal markii shabaabka ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Ciidanka Burundi Ee Jaale Siyaad.

Weerarka oo dhacay maanta ayaa waxa uu sababay in Cidianka Burundi cara xoogan kla dib ay xereen jidka warshadaha Muqdisho oo ahaa wadada kaliya ee caasimada ka furan oo dadka ay isaga gooshaan.

Warar xeran ayaa qasab ka dhigtay in gacal is jeclaa oo aan doonayn in Caawa ay magaalada xuduuda wadaagta ee Muqdisho  labadeeda jiho kala seexdaan ayaa ku qasbanaaday in ay Xadka ka gudbi waayaan.

Dadkii ku sugnaa dhulka Dowlada maamusho ama dhulka loo barakay oo doonayay Bakaaraha iyo deegaanada kale ayaa awoodi waayay in ay u gudbaan halkaasi waxaana la mid noqday dadkii ku sugnaa Bakaaro iyo deegaano kale oo iyana u gudbi karin xaafadaha ay ka soo shaqa tagi jireen.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: