Calendar

Fanaanada SADE oo isla markiiba #1 Albumkeedii uu noqday iyadoo wax badan hawada ka maqnayd (VIDEO)

sadeBartamaha — Intay doonto hadday ka maqnaato fagaaraha heesaha adduunka ilaa iyo sanadkii 2000, waxaad mooddaa fanaanada caalamiga ah ee SADE in cidina aysan celin karin meeshay doonto haka yimaadeene.

Sade Adu oo 51 sano jirta  ayaa albumkeeda cusub la yiraahdaa  Soldier of Love, Albumkan ayaa markii uu soo baxay isla markiiba noqday #1 (Gold – Bilboard Chart).

Albumkan ayaa todobaadkii Valentine-ka la iibsaday 502,000 oo CD, lambarkan ayaa gaarsiiyay fanaanadda codka macaan ee Sade lambarka ugu horeeya, taasina waxay noqotay mid dadka aqoonta gaarka ah u leh  madadaalada iyo heesaha ay la yaabeen maadaama fanaanadani muddo 10 sano ah aysan heeso cusub samayn.

Hoos ka daawo heesta albumka loogu magac daray.

Comments

comments

Category : Madadaalo | Entertainment, VIDEOS.
« »

Comment: